2463 Views

10 aqoonyahanno oo la weydiiyay waxa uu Farmaajo kaga duwan yahay Xassan Sheekh & Sheekh Shariif [JAWAABO DHAXALGAL AH]

____________________________________________________________________________

Shaqsiyaad aqoonyahanno ah, oo ku kala sugan meelo kala duwan ayaa la hordhigay su’aal la xiriirta; aragtidooda ku aadan marka laga hadlayo  cidda ay taariikhdu qorayso in ay wax-qabad dhab ah muujisay muddadii ay xilka hayeen Xassan Sheekh, Sheekh Shariif iyo MC Farmaajo oo xilligan ay dowladdiisu u harsan tahay wax ka yar 6 billood.

Inkastoo qof kastaahi uu xor u yahay inuu aragtidiisa cabiro, haddana waxaan soo qaadanay fikradaha aan u aragno in ay ka tarjumayaan xaqiiqda ama ay ka ag-dhow yihiin.

Dadka aan ra’yigooda wax ka waydiinay intooda badan ma jeclaysan in magacyadoda la xuso, haddana waxaan lagama maarmaan u aragnay inaan farriimahooda ay akhristayaashu rog-rogaan,  sidii ay ula muuqatana ay inala wadaagaan.

“Dhibaatada dalkeena haysato ma ahan 3 ama 4-ta qofood ee xilalka haya iyo kuwa xilalkaasi doonaya, dhibaatadu waxay tahay; annaga shacabka Soomaaliyeed ah iyo kuwa aqoonta la bidayo oo hurdo dheer ku jira, oo aan ogayn xuquuqdooda dastuuriga, maanta waxa ka dhacaya adduunka marka aad fiiriso, madaxdu marka ay waxqbaad dhab ah la imaan wayso, ama ay ka meermeeraan wixii ay balanqaadeen in ay fuliyaan, waa in shacabku bannaanka u soo baxaa, biseylkaas ayaan u baahanahay. Teeda kale waxaa maqan kaalintii warbaahinta, waayo warbaahintu waa buundadii isku xiraysay shacabka iyo dowladda, soona gudbineysa dulduleelada iyo waxyaabaha dowladdu ka gaabiso, haddaad u fiirsato xaalka warbaahinteena [intooda badan] waa “Af wax cunay xishoo.”

“Mas’uulka dastuurka ilaaliya, wixii uu balanqaadayna fuliya kaas ayeey qalbiyadeenu la jiraan, Soomaali ha ogaadeen inaan adduunka ka dambeeyno waayo waxaa la innagu mashquuliyay qabyaalad iyo kala qoqobid, indhaha aan furno, waxaan la jirnaa midka soo celiya adeegyada bulshada, waddooyin inoo dhisa, isbitaalo lacag la’aan ah howlgeliya, waxbarashada lacag la’aan ka dhiga”

“Madaxweyne Farmaajo markii la doortay, Soomaali meel kasta oo ay joogto waa ay soo dhoweysay. Sababta loogu farxay ma ahayn in madaxdii hore uu ka qurux badnaa ama ka qabiil fiicnaa, ee waxaa loogu sacbiyay in loo arkay inuu yahay shaqsi dalka kaga laxa-jeclo badan raggii hore haddana ay ka muuqato sifo waddaninimo ah. Wixii uu balanqaaday maalintii la doortay wixii ka hirgalay waxaan u dhaafayaa ummadda Soomaaliyeed. Qorshihii siyaasadeed ee Madaxwaynuhu inala wadaagay 2016-kii maxaa ka hirgalay.? Madaxwaynaha inta uu shacabka horyimaado ma ku qancin karaa wixii aan balanqaaday intaasna waa qabtay, intaasna waa ii qabyo,  wixii u qabsoomi waayay na ma caddeyn karaa sababta iyo caqabadaha. Tan kale ee ku saabsan Xassan Sheekh iyo Farmaajo kee baa waxqabad badan.? Waxaan kaga jawaabayaa, Xassan Sheekh wuxuu oggolaa in la dhaliilo,  meel hoose na wax waa ka soo billaabay, in dowladnimadu saldhigato isagaa u sabab ahaa,  Farmaajo se waxaa ka muuqata dhaqan kelitalisnimo taas oo ah; ama fikirkayga soo raac ama waan kula dirirayaa taasina ma ahan mid maanta shaqeyneysa. Tan uu kaga fiican yahay Farmaajo Xassan Sheekh waxay tahay; Farmaajo wuxuu shadaafta u laabay faragelintii na lagu hayay, cadow iyo sokeeye waxaa loo qiray inuu soo celiyey wax xoogaa sharaftii iyo heybadii Qarankani uu mudnaa”

“Haddaad shalay ku arki jirtay fagaraayaasha caalamiga ah wasiirkeena arrimaha dibedda Soomaaliya oo uu dhegta wax ugu sheegayo Janaraal Gabre iyo kuwa la midka ah, maanta taas ma jirto, hadduu shaki kaaga jiro Farmaajo inuu ka waddanisan yahay madaxdii hore taas ku quuso, Farmaajo wuxuu noqonayaa Madaxweyne aan dhicin, waxaa ka xiga oo keliya inuu doorashada xilligeeda ku qabto, soona tartamo, wixii uu qabtay iyo halka uu mustaqbalka tiigsanayo na uu halkaasi ka caddeeyo”

“Sheekh Shariif wuxuu kulansaday sifooyin waxtar u leh hogaaminta, haddana siyaasi ma ahayn taas ayaa u sabab ahayd in qaladaad badani ka dhacaan xilligiisa, nasiib-na uma helin la-taliyeyaal fiican, haddana waa cab-qari, geesi ah, waxaanna ku kalsoonahay haddii mar kale fursad la siiyo in isaga oo ka faa’ideysanaya casharadii uu ka bartay gefafkii hore ee ka dhacay in markan isbeddel uu horseedi doono. Su’aasha kale ee ah  Farmaajo muxuu kaga duwan yahay.? Farmaajo wuxuu haystaa la-taliyayaal fiican, wuxuuna qaataa wixii ay la-taliyayaashiisu u sheegaan, laakiin  Sheekh Shariif karti hogaamineed wuu leeyahay laakiin mar walba waxaa xumaa la-taliyeyaashiisa, teeda kale, marxaladan oo kale waxaa wanaagsan in ay garbahaaga buuxiyaan dad adiga kaa aqoon badan dhinac waliba, oo tallooyin dhaxalgal ah ku siiya”

“Haddii aan indhaha la is-tirayn, la isna xaqireyn raggan hadda xilka haya waxqabadka ay muujiyeen ma muujin raggii hore. Xassan Sheekh waxaa lagu xasuustaa inuu boobay dhul iyo dhaqaale wixii Qaranku lahaa, ragga hadda joogana waxaa lagu xasuusan doonaa in ay ka shaqeeyeen sidii Soomaaliya Qaranimadeeda u soo ceshan lahayd, tallooyinka ay qaadeen ee la mahdiyay waxaa ka mid ah, siyaasadda dibedda oo Soomaaliya intii aysan xilka qaban cid kasta ay iska gacma gacmaysan jirtay, maanta Soomaaliya ciddii dan ka yeelata waa u soo geed fadhiisaneysa, haddii fursad kale la siiyo waxaan ku kalsoonahay in ay si buuxda Soomaaliya sharafteeda u soo celinayaan”

“Xassan & Shariif waxqabadkooda waa la soo tijaabiyay, waxaan hubaa Mudulood  inay ku jiraan rag aqoon iyo karti kulansaday, waxay ila tahay in kuwaas fursad la siiyo.”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post