3996 Views

Bankiga Adduunka oo qaaday tallaabo xayiraada looga qaadayo Xawaaladaha Soomaaliya

Bankiga Adduunka oo qaaday tallaabo xayiraada looga qaadayo Xawaaladaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 30, 2015 – Bankiga Adduunka ayaa qaaday tallaabo xayiraada looga qaadayo Xawaaladaha Soomaaliya, isla markaana taageerayo dhaq dhaqaaqa xawaaladaha, si loo xaqiijiyo isha kaliya ee dhaqaalaha ka soo galaan Soomaalida oo ah Xawaaladaha ku yaala Ameerika iyo Yurub.

Agaasimaha Bariga Afrika ee Bankiga Adduunka Haweeneyda la yiraahdo Bella Bird ayaa sheegtay in xawaalaha Soomaalida ay shaqo adag u hayaan shacabka Soomaaliyaan, iyadoo xustay in tuhunka la xiriira inay xawaaladaha ay adeegsadaan argagixisada ay yimid markii uu meesha ka baxay awooda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaa muhiim ah inaan qaadno tilaabo lagu hubinayo lacagta Soomaaliya loo xawilo iyo xataa ganacsiga”ayay tiri Balle Bird oo wariyeyaasha kula hadleysay magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay wadaan qorshayaal ay ku xoojinayaan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, si meesha uga baxdo shakiga la gelinayo Xawaaladaha Soomaaliya.

Bella Bird ayaa tilmaamtay in qorshaha kale ee ay wadaan uu yahay sidii loo sameyn lahaa wakaalad hubin doonta lacagaha Soomaaliya dibada looga soo diro, si kalsooni loo abuuro, maadaama ay xustay in sanadkiiba lacagaha dibaddaha laga soo diro ay gaareyso ilaa Hal Bilyan oo dollar.

Soomaali fara badan ayaa ku tiirsan lacagaha dibadaha laga soo diro ee la soo marsiiyo xawaalaha, waxaana xawaaladaha ka howl gala dalalka reer galbeedka ay bilihii la soo dhaafay la kulmayeen culeys uga imaanayay Bankigada ay la shaqeeyaan ee ay xisaabaadka ku leeyihiin.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment