7056 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi oo ka wadahadley dib u soo nooleynta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo India

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi oo ka wadahadley dib u soo nooleynta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo India
____________________________________________________________________________

New Delhi | October 30, 2015 | Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi oo ka wadahadley dib u soo nooleynta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo India

Muqdisho, 29 October 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada New Delhi kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda India Narendra Modi.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, iyo in la bilaabo iskaashi dhinacyo badan oo labada dhinac ay ka faa’ideysan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mr Modi u sheegay in Soomaaliya ay ka baxdey xilligii colaadda , diyaarna ay u tahay soo dhoweynta maalgashiga shisheeye, sida India, isagoo intaa ku raaciyey in tallaabadaasi ay gacan ka geysan karto dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Modi ayaa isna ballanqaadey inay Soomaaliya ka taageeri doonaan arrimaha waxbarashada, iskaashi dhinaca amniga, la dagaalanka argagixisada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda Afrika ee ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka 3-aad ee waddamada Afrika iyo India, waxaana uu maanta shirkaasi ka jeediyay khudbad.

madaxweyne-xasan-rw-india-1 madaxweyne-xasan-rw-india-3 madaxweyne-xasan-rw-india-4

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment