3294 Views

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Indonesia Kulan Kula Qaatay Wasiiro Ka Socday Wadamada Islaamka

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Indonesia Kulan Kula Qaatay Wasiiro Ka Socday Wadamada Islaamka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 30 2015 – Wasiirka Shaqada iyo Arrrimha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey oo howla shaqo ku jooga Dalka Indonesia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo islamarkaana uu ka qeyb galayo Shirkii 3-aad ee Ururka Islaamka ee Wasaaradaha Shaqada Ee Dowladaha Islaamka ayaa kulamo gooni gooni ah kula leh halkaasi Wasiiro ka socda wadamada Islaamka.

Wasiirka ayaa magaalada Jakarta ee Dalka Indonesia wasiirada shaqada ee wadamada Islaamka ee ka qeyb galaya Shirkii 3-aad ee Ururka Islaamkla (3rd Islamic Conference of Labour Ministers) waxa ay kaga wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Xiriirka Soomaaliya iyo Wasiiradaasi wadamada ay ka kala socdaan.

Wasiirada Shirarka uu la qaatay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudeey ayaa waxa ay ka kala socdeen dowladaha xiriirka wanagsan leenahay sida: Indonesia, Qatar,Sudan, Boqortooyada Suadi Arabi iyo kuwa kale.

Waxaan ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa loona tayeen lahaa shaqaalaha soomaliyeed si kor loogu qaado xirfadooda maamul, tan aqooneyd iyo heerkooda waxbarasho iyo sidii loo gaari lahaa shaqo abuur dhameystiran ( Full Employment).

“Dhamaan dowladaha aan walaalaha nahay arinkaas aad ayey u soo dhoweyeen, waxay noo balan qadeen in ay somalia garab istaagi doonaan” ayuu Yiri Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.12189894_1508285672816976_5446966208312358340_n

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment