3993 Views

Guddiga fatahaadaha oo goor dhaweyd gaaray magaalada Baydhabo

Guddiga fatahaadaha oo goor dhaweyd gaaray magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 31 2015 – Guddiga loo magacaabay fatahaadaha iyo roobabka la filayo iney ka da’aan dalkeena ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Guddiga oo uu hoggaaminayo R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Koofur galbeed, iyo bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Muddada ay joogaan guddigaasi magaalada Baydhabo ayaa la filayaa iney kulamo la qaataan bulshada ku dhaqan gobolka Baay,  iyagoo kala hadli doona sidii looga tabaabusheysan lahaa daadadka iyo fatahaadaha la sheegay iney ku soo wajahanyiuhiin dalkeena Soomaaliya.

Guddigan auaa hore u booqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment