4122 Views

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo ku baaqay in bulshada ay isu kaalmeyso

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo ku baaqay in bulshada ay isu kaalmeyso
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 31 2015 – Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo ay wehliyaan Wasiirada dastuurka , caafimaadka iyo Xildhibaanno ayaa maanta gaaray magaladda Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, waxaana garoonka diyaaradaha magaladaasi , si weyn ugu soo dhaweeyey boqol dadweyne ah oo ku labisnaa calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kan maamulka Koofur galbeed iyo dharka hidaha iyo dhqanka Soomalida, kuwaasi oo soo bandhigay cayaaraha hidaha iyo dhqanka ee laga cayaaro gobolada maamulka koofur galbeed ee dalka.

Socdaalka Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ku saleysnaa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen meelaha laga cabsida qabo inay ka dhacaan dhibaatooyinka roobabka dabeylaha wata, dar dargelinta amniga iyo wada shaqeynta shacabka iyo maamulka iyo halka uu marayo xulista baarlamaanka Maamulka Koonfurgalbeed, iyadoo wafdiga ay kulan la qaateen Odoyaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista Xildhibaannada.

Madaxwaynaha maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Mduane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtoda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan socdaalka ay Baydhabo ku tageen wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, isagoo tilmaamay in arrimo muhiim ah ay ka wada hadleen labada dhinac.

Ra’iisulwasare ku-xigenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga bahan yahay in ay isku tashadaan , isla markaana ay si wada jir ah ugu diyaar garobaan ka hortaga dhibaatada ka dhalan karta roobabka dabaylaha wata ee la saadaliyey in ka di’ikaraan Soomaaliya

Dhinaca kale Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo ka mid ahayd wafdiga Ra’iisalwasaare ku-xigeenka ayaa kormeertay isbtaalka guud ee magalaada Baydhabo, halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysatay Agaasimaha isbitaalka, maadaama malintii shalay ahayd ay Wasaaradda caafimaadka gaarsiisay adeego cafimaad.

Wasiirka caafimaadka iyo daryelka bulshada ee Xukumadda Soomaaliya Drs xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in ay wax ka qaban donaan baahida ka jirta isbitaalka Baydhabo oo ay jifeen bukaanno kala duwan oo halkaasi lagu dabiibayay.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment