4038 Views

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay 31 October 2015

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay 31 October 2015
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 31 October 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo ansixiyey Miisaaniyadda 2016, Somalia iyo Sucuudiga oo xoojinaya Iskaashiga labada dhinac, Maliishiyaadka Al-Shabaab oo Xabsi Daa’in lagu xukumay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo gaaray Beledweyn, Baarlamaanka Kalfadhigiisa 7aad oo furmay, Wasiirka Gaashaandhiga oo booqdey Bali-Doogle, Madaxweynaha oo Waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Holland, Hindise Sharciyeedka Maalgashiga oo Baarlamaanku ka doodayo iyo Somalia iyo India oo xoojinaya xiriirka labada dhinac.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Miisaaniyadda 2016

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 29kii October 2015 ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad sanadeedka 2016. Kulankan ayaa waxaa si qota dheer looga dooday Miisaaniyad sanadeedka sanadka 2016, oo ah kharash dhan 216 million oo dollar, taasoo 64% (Boqolkiiba lixdan iyo afar), loo qoondeeyey inay ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, waxaana Miisaaniyaddan golaha u faah faahiyay Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti. Golaha Wasiirada, ayaa dood dheer kadib, meel mariyay Miisaaniyad sanadeedkan, waxayna Wasaaradda Maaliyadda ballan qaaday in haddii dakhliga gudaha dalka uu kordho dib u eegis lagu sameyn doono, si loo kordhiyo qoondada wasaaraddaha.

Somalia iyo Sucuudiga oo xoojinaya Iskaashiga labada dhinac

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 27kii October 2015 magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud. Madaxweynaha oo soo dhoweyn aad u sareysa loogu sameeyey Riyadh, iyo Boqorka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimo kale oo la xiriira taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay ee dhinaca dib u dhiska. Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobada ay ka wada hadleen. Madaxweynaha waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.

Maliishiyaadka Al-Shabaab oo Xabsi Daa’in lagu xukumay

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa 27kii October 2015 xabsi daa’in ku xukuntay seddex ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, kadib markii lagu helay dambiyadii lagu soo oogay. Saddexda dhallinyarrada ah ayaa lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ciidamada amniga ay soo qabteen bishii September ee sanadkan, iyagoo wata Mooto Bajaaj, bam gacameed iyo bastoolado oo ay doonayeen inay ku fuliyaan falal amni daro ah, waxaana ay Maxkamadda kahor qirteen inay katirsan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab gaar ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan. Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Maxkamada kahor aqriyay dambiyada lagu eedeyay dhalinyarada oo iyagu qiretay inay katirsan yihiin Nabad diidka Al-Shabaab. Gudoomiyaha Maxkamada ayaa ku dhawaaqay in Maxkamadda ay Xabsi daa’in ku xukuntay 3-dii dhagarqabe. Tan iyo markii dib loo howlgaliyay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Somaaliya ayaa Maxkamaddu waxa ay Xukuno kala duwan ku riday dhagarqabayaal katirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab oo isugu jira kuwo iyaga qirtay Dambiyadii lagusoo eedeeyay iyo kuwa Marqaatiyaal iyo Cadeymo loo helay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo gaaray Beledweyn

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 26kii October 2015 si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Iyadoo Wafdiga RW ku-xigeenka ay ka mid ahaayeen; wasiirada caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, wasiir-ku-xigeenka wasaarrada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga, wasiir-u-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka, wasiir-u-dowlaha xafiiska ras’iisal wasaaraha, xildhibaanno, saraakiil, iyo xubno ka tirsan hay’addaha samafalka. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa kulan la qaatay Hay’adaha samafalka gobolkaasi ka howlgala si ay gurmad u gaarsiiyaan suurtagalnimada haddii ay dhacdo fatahaado horleh oo saameyn ku yeesha bulshada halkaasi ku nool. Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa wakiilada hay’adaha samafalka kala hadlay dhibaatooyin ka dhalan kara fatahaadda webiga Shabeele sida ay uga qeyb qaadan karaan, isagoo ka dalbaday in hay’adaha ay mas’uuliyad iska saaraan wax u qabashada shacabka oo aysan arrintooda noqon mid af ah oo kaliya.

Baarlamaanka Kalfadhigiisa 7aad oo furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 25kii October 2015 si rasmi ah u furay Kalfadhigii 7-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa waxaa uu ugu horeyn u mahadceliyay Baarlamanka, guddiyada joogtada ah iyo guddoonka sidii habsamida lahayd ee ay u socdeen howlaha barlamaanka muddadii la soo dhaafay. Waxaa uu si gaar ah Madaxweynaha u taabtey xaaladda siyaasadda ee dalka iyo qorshaha xilliga kala guurka ee sannadka 2016-ka isagoo sheegay in kastoo horumar la taabankaro la sameeyey, haddana ay muuqato in ay weli qabyo yihiin hawlo badan oo ku xusnaa Hiigsiga 2016-ka sida: dib u eegista dastuurka, dhamaystirka dhismaha maamul goboleedyada iyo u diyaar- garowga doorashooyinka hal-qof-hal-cod ah oo aan dhammaanteen wada garowsanay in aanay ku dhamaystirmi karin xiligii loogu talo galay. Si horukaca Soomaaliya loo sugo waxa muhiim ah in la helo isbeddel siyaasadeed oo sharci ah, daah-furan kuna dhaca jawi nabad ah oo loo dhan yahay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Baarlamanka looga baahan inay muddada yare ee u harsan ku dedejiyaan meel marinta sharciyada muhiimka u ah dalka sida dhismaha golaha adeegga garsoorka, oo uu sheegay in meelmarintiisu aad muhiim u tahay fulinta iyo meelmarinta sharciyada dalka u degsan. Kalfadhigan 7-aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inuu ka shaqeeyo barnaamijyada muhiimka u ah Hiigsiga siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka, oo la filayo in dalka ay doorashooyin ka dhacaan, lana adkeeyo nidaamka dib u soo celinta dowladnimo sal adag oo dalku uu yeesho.

Wasiirka Gaashaandhiga oo booqdey Bali-Doogle

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Cirka iyo saraakiil kale ayaa 25kii October 2015 booqasho ku tagey garoonka diyaaradaha ee Bali-Doogle, halkaas oo fariisin u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM. Wafdiga Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, iyagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha xoogga dalka ee halkaas ku sugan. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ujeedada ay u soo gaareen Ballidoogle in ay tahay sidii loogu kuurgeli lahaa baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidamadda Xoogga dalka ee halkaas ku sugan, isagoo xusay ciidanka Danab oo ka tirsan xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay halkaas ku qaateen tababar heerkiisu sareeyo, haddana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada difaaca dalkooda hooyo. Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa kula dar-daarmay ciidamadii kala duwanaa ee uu booqday in ay mar walba dantooda ka horumariyaan mida qaran si loo xaqiijiyo hadafka iyo macnaha uu leeyahay Askarigu.

Madaxweynaha oo Waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Holland

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 24kii October 2015 xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Netherlands wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Amb. Franciscus Albercht Makken. Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyey doorka Boqortooyada Netherlands ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya. Danjire Makken, safiirka cusub ee Netherlands, ayaa isna sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada ay ka geysaneyso barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya. Waxaa uu intaa ku darey in Boqortooyada Netherlands oo la shaqeyneysa Midowga Yurub ay wadajir wax uga qaban doonaan baahiyada ka jira Soomaaliya, iyagoo talooyin ka qaadanaya madaxda Soomaaliya. Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kediye, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socdey labada dhinac.

Hindise Sharciyeedka Maalgashiga oo Baarlamaanku ka doodayo

Kulankii Baarlamaanka ee 28kii October 2015 ayaa Xildhibaannadu ku gudagaleen wax ka bedelka Hindise Sharciyeedka Maalgashiga Shisheeye oo uu Golaha dib ugu soo celiyey Guddiga Dhaqaallaha, Warshadaha iyo Ganacsiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo iyagu sharcigan kasoo shaqeeyey. Guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Xuseen oo Mudaneyaasha ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dhaqaalaha dalka. Xoghayaha guddiga Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen (Coonka) oo Xildhibaannada ka hor akhriyey wax ka bedelka sharcigan Maalgashiga Shisheeye ayaa qeexay sharcigan qodobbada uu ka kooban yahay iyo fursada maalgashi ee uu dalka u yeelan karo. Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayey kulanka Baarlamaanka ayaa gebagebadii tilmaamay in sharcigan oo ka mid ah sharciyada muhiimadda u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogana baahan yahay Xildhibaannadu iney soo akhristaan si loo gudagalo ka doodistiisa. Sharciga maalgashiga shisheeye ee hadda Baarlamaanka u maraya marxalad ahaan akhrinta 2aad ayaa soo maray marxalado kala duwan, ayadoo sharciganna Baarlamaanka markii ugu horeysay la keenay 12kii June sanadkii 2013, balse ay dib ula laabteen golaha Wasiirada, waxaase dib hada loosoo celiyey 23kii June eee sanadkan 2015 sida ay guddoonka Golaha Shacabku qorsheeyeenna, waxaa sharcigan uu ku jiri doonaa sharuucda hortebinta leh ee la doonayo in la meel mariyo inta lagu guda jiro Kalfadhigan 7aad.

Somalia iyo India oo xoojinaya xiriirka labada dhinac

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29kii 2015 magaalada New Delhi kula kulmey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda India Narendra Modi. Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, iyo in la bilaabo iskaashi dhinacyo badan oo labada dhinac ay ka faa’ideysan karaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mr Modi u sheegay in Soomaaliya ay ka baxdey xilligii colaadda, diyaarna ay u tahay soo dhoweynta maalgashiga shisheeye, sida India, isagoo intaa ku raaciyey in tallaabadaasi ay gacan ka geysan karto dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Modi ayaa isna ballanqaadey inay Soomaaliya ka taageeri doonaan arrimaha waxbarashada, iskaashi dhinaca amniga, la dagaalanka argagixisada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment