5841 Views

Faah faahin ka soo baxeysa weerarkii saaka lagu qaaday hotel Saxafi

____________________________________________________________________________

war-deg-der

Muqdisho, November 01 2015 – Sida wararku nagu soo gaarayaan, weerarkii saaka lagu qaaday hotelka Saxafi waxaa ku geeriyooday mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Allaha u naxarisstee Xildhibaan Cabdi Maxamed  Abtidoon, Abaanduulihii hore ee ciidanka XDS Jeneraal C/kariin Dhegabadan, iyo C/rshiid Shire Il-qeyte oo ah milkiilihii hoteelka la weeraray ee Saxafi.

Dhinaca kale ciidamada ayaa soo badbaadiyay taliyihii hore ee ciidamada lugta ee XDS Jeneraal Cali Caraaye Cosoble “Gacma dulle” iyo mas’uuliyiin kale, waxeyna ciidamadu wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan amniga Hoteelka.

Wariye C/casiis Africa oo ka mid ah wariyaasha ku sugan  hoteelka ayaa ku soo waramaya in la soo afjaray howlgalka, isagoo xusay iney ciidamadu ay baaritaano ka wadaan hoteelka.

Weli ma hubna in lagu kala baxay dagaalki saaka ka billawday, balse waxaa la sheegayaa in dhimashada iyo dhaawaca ay soo kordhayaan.

Sida ay sheegayaan wararka in ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay weerarka, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka ku dhintay weerarkaas ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, saraakiil iyo diblomaasi ajnabi ah.

Inkastoo khasaaraha ay isa soo tarayaan, hadana warar an henay ayaa sheegaya in dadka dhintay uu jiro Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo dhowaan iska casilay Xubinimada Baarlamaanka iyo kuwa kale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhowr Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale laga soo saaray Hotelka oo uu ku jiro Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibaanad Suuri iyo kuwa kale. Dadka laga soo badbaadiye ayaa ka mid ah

Wariye iyo Camerraman ayaa ka mid ahaa dadka wax ku noqday weerarka, waxaa ka mid ah Wariye Mustaf Safaana oo u shaqeynayay Idaacada Shabelle, kaasoo la sheegay inay ku dhinteen qaraxa labaad.

Xaalada Hotelka ayaa wali deganeyn, inkastoo mararka qaar rasaas la maqlayo, iyadoo Isbitaalada Muqdisho la geeyay dhaawacyo fara badan oo dad siyaasiyiin ku jiraan.

Wadada hor marta Hotelka iyo agagaaraheeda ayaa ah mid xiran, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku sugan.

Ciidamada ammaanka ayaa wali isku dayaya inay xaalada ammaanka ee Hotelka xaqiijiyeen, waxaana ay gudaha iskula jiraan tiro ka mid ah dableydii hotelka hubeysneyd oo ay rasaas is dhaafsanayaan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment