6726 Views

Qarax weeyn oo ka dhacay Hotel Saxafi Muqdisho.

Qarax weeyn oo ka dhacay Hotel Saxafi Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 31 Oktoobar 2015 |  Xarakada Alshabab ayaa weerar xoogan ku qaaday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho kadib markii ay duulaan saakay ku qaadeen.

weerarka ayaa lagu daah furay qarax weyn kadibna waxaa gudaha u dhaadhacay rag hubeysan kuwaasoo howlgal balaaran ka wada hotelka dhexdiisa, xabado fara badan ayaa dhacaya waxaana la xiray wadooyinka deegaanka ka dhaw..

hotel saxafi waxaa degan xildhibaano iyo saraakil kale oo ka tirsan dowladda federaalka  Soomaaliya ,waxaana  la arkayaa dad dhaawacyo ah oo loola cararayo goobaha caafimaadka laakiin qasaaraha dhabta ah weli lama oga, lamana  oga inta uu qaada karo howl galkaan ka socda hotelka dhexdiisa.

Wixii faahfaahin dheeraad ah dib ayaan idinkaala socodsiin doonaa..

Qaranimo online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment