4560 Views

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo cambaareeysay weerarkii Hotel Saxafi

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka oo cambaareeysay weerarkii Hotel Saxafi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02 2015 — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dileen dad rayid ah iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa dowladda.

Ugaas Ismaaciil Cabdulle oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin weerarkii argagixisonimo ee saakay lagu qaaday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen tiro dad ah.

“Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo asaxaabta uga tacsiyadeynaynaa intii ku geeriyootay weerarkii bahalnimo ee lagu qaaday Hotel Saxafi, waxaana inta ku dhaawacantay aan Alle uga baryaynaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo” ayuu yiri Ugaas Ismaaciil.

Ugaaska ayaa bogaadiyay sida ciidanka amniga ee dowladda Soomaaliya ugu guuleysteen inay dilaan kooxdii weerarka ku soo qaaday Hotelka, isla markaana ay badbaadiyaan qaar kale oo badan oo ku sugnaa gudaha Hotelka, waxaana ay dowladda ka codsadeen in ciidankii jawaabta deg deg ah ka bixiyay weerarka la abaal mariyo.

Ugaas Ismaaciil Cabdulle ayaa ugu dambeyntii xusay in Jaaliyaddu ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada dadaallada dalka oo dhan looga cirib tirayo Al-Shabaab.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment