7809 Views

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Janaasadi Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka

Madaxweynaha oo ka qeyb galay Janaasadi Abaanduulihii Ciidamada xoogga dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02 2015 — Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo saraakiil ayaa maanta ka qeyb galay salaada janaasada ee Meydka Abaanduulaha hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan oo shalay ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Meydka Marxuum ayaa salaadii Janaasada lagula dukaday Masjidka Shuhadaa ee ku yaalla Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana Madaxweynaha uu u tacsiyadeeyay qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka.

Jen. Dhega-Badan ayaa lagu xusuustaa howl galadii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee looga saaray sanadihii 2011 ilaa 2012 magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka ku yaala koofurta Soomaaliya.

Meydka Jeneralka ayaa loo duuliyay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ka soo jeeda, waxaa Meydkiisa lagu qaaday diyaarad gaar ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb gashay salaada janaasada ayaa u tacsiyadeeyay qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Jen. Dhegabadan oo ay sheegeen in lagu xusuusto guulihii ay ka soo hoyeen dagaalada

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay subax lagu qaaday Hotelka Saxafi, waxaana dabley hubeysan ay gudaha u gashay markii qarax baabuur loo adeegsaday lagu furtay albaabka hore ee Hotelka.

meydka-7

meydka-6

meydka-8

meydka-9

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment