3879 Views

Taliyaha ciidanka oo uga mahadceliyey Dowlada Britain taageerada xoogga dalka

Taliyaha ciidanka oo uga mahadceliyey Dowlada Britain taageerada xoogga dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02 2015 — Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa kulan kula yeeshan xarunta Safaaradda Great Britain ee magaalada Muqdisho  Safiirka u fadhiya Soomaaliya Danjire Harriett Mathews. Waxaana ay ka wada hadleen taageerada ay Boqortooyada Ingiriisku  siiso ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Iyadoo ay isku afgarteen in la kordhiyo tirada iyo taakuleynta ay siiyaan ciidanka xoogga.

Danjire Harriett Mathews ayaa balanqaaday inay bixinayaan mushaaraadka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoo sidoo kale sheegtay in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska xeryaha Ciidamada si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka.

Sidoo kale Danjiruhu waxay ka tacsiyeysay dadkii ku dhintay weerarkii Argagixiso ee Hotel Saxafi, iyadoo u rajeysay inta dhaawaca ahna in ay kasoo kabtaan.

Ugu danbeyntii Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa uga mahadceliyey Safiirka iyo Dawladda Britain taageerada ay siinayso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka.

Taliyaha oo ka hadlayay wuxuu yiri: “Waxaan Safiirka isku afgaranay sidii ay Britain u xoojin lahayd taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaan soo dhaweynayaa balanqaadka ay sameysay inagoo rajeynaya in uu hirgeli doono xiliyada dhow ee soo socda”.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii la magacaabay wadey sidii dib u dhis xooggan loogu sameyn lahaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa xuquuqda ciidamada Qalabka sida.

1 (7)3 (1)

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment