5604 Views

Warbixin furintaka safaaradda Soomaalida Abu Dhabi “UAE”

Warbixin furintaka safaaradda Soomaalida Abu Dhabi “UAE”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 02 2015 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedralka Soomaliya oo dhegax dhigey Maanta  dhismaha cusub Safaaradda Soomalia ee Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Abu Dhabi –UAE : Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedralka Soomaliya   Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wasiirudawlaha Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaala nahay ee  isutaga Imaaraadka Carabta  Dr. Anwar Mohamed Qarqash ayaa  dhagax dhigay maanta dhismaha cusub ee safaaradda Soomaliya ee wadanka isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda  ee Somaliya  Dr. Abdisalan Hadliye Omar, Danjireaha u fadhiya  Soomaliya wadan Imaaraadka  Carabta  Mudane C/qaadir M. Sheekhey Al-hatimi iyo masuuliyiin kale ka socdey  dawlada Imaaraadka Carabta oo ay kamid ka yihiin Mattar Al-shamsi, Shibaab Al-faheem oo ah madax ham naamuuska (Protocol) ee wasaaradda Arimaha dibadda imaaraadka ,  Safaaraddaha laga aqoonsanyahay wadanka UAE,  masuuliyinkale  oo ka socdey dawlada Somaliya, iyo  weliba Qaar kamid ah Jaaliyadda Somaliya ee ku nool  wadanka Imaaraadka Carabta ayaa  kamid ahaa dadkii ka soo qeybgalay  Munaasabd  lagu dhegax dhigayay dhismaha  cusub ee safaaradda Soomaaliya ee  Magaalada Abu dhabi  taasoo dhulka ay ku fadhiso iyo dhismaheedaba ay ugu deeqday dowladda Imaaradka Carabta.

Munaasabadan oo  si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa markii aydhamaatey Mudane Xasan Sheekh u mahad celiyay dhegiisa wadanka  isutagga imaaraadka Carabta  H.H  Sheikh Khalif bin Zayid  Al-nahyan, Ra’isulwasaaraha ahna Xakima imarada Dubai H.H Sheikh Mohamed bin Rashid  Al- Makhtum, dhaxal sugaha Imaaarada Abu dhabi ahna kuxigeenka Teliya ciidanka  H.H SheikhMohmaed bin Zayid Al-nahyan  iyo Shacabka Imaaraadka kaalintii ay ka qaateen  taageeridda hiil iyo hooba leh oo ay marwalabo la garabtaagan yhiin  dawlada iyo shaqacabka  Soomaaliya, sidokale madaxweynaha wuxu ugu  mahadceliyay Danjire C/qaadir Sheekhey doorkii  uu ka qaatey xiriirka labada.

Danjire C/qaadir  Sheekhey ayaa Sharaxaad dheer ka siiyay madaxweynaha Jmahuuriyada , wasiirada  iyo masuuliyiintii   ka soo qeyb galay Munaasabadaasi dhegax dhigida qaabka dhismaha Safaaradda, Naqshada iyo Qeybaha ay ka koobnaan doonti asgoo xusey in uu socondoono dhismahan  mudo  sanad iyo 2 bilood  ah, ayna yeelan doonto safaaradda Qeybo muhiim u ah Adeegyadda guud  ee ay bixineeyso Safaaradda islamarkaasina ay leedahay qeyb degaan ah.

Dhinacakale jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool wadanka Imaaraadka  oo aygana ka mid ahaa  dadki ka soo qeybgaly ayaa si weyn u  soo dhaweeyay  munaasabadan oo lagu dhagax dhigayay dhisma cusub ee Safaaradda  42 sano kadib markii  ugu horeysey ee si rasmi ah safaarada  soomaliya  loogu furey  wadanka Imaaraadka  aygoo ugu mahadceliyay Safiirka Soomaliya kaalinta lixaadleh uu ka qaatey suurta gelinta Dhismahan cusub.

Isku soo wada duuboo Xiriirka dawlada  Somaliya ay la leedahay Dawlada isutagga  imaaraadka Carabta ayaa ah mid aad u sareeya islamarkaasina ah mid soo jireen ah.

IB0A8006 (1)

IB0A8022

IB0A8024

IB0A8032

IB0A8046IB0A8080

IB0A8063

IB0A8033

With best regards

Mahmed Sheikh Issak

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment