4671 Views

Gen Dhegabadan wuxuu ahaa Muwaadin Duruuf adag ugu soo shaqeeyey dalkiisa Hooyo

Gen Dhegabadan wuxuu ahaa Muwaadin Duruuf adag ugu soo shaqeeyey dalkiisa  Hooyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 03, 2015 – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh  Cali Diini, ayaa maanta ka qeyb galay aas Qaran oo loo sameeyey Abaanduulihii hore ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Marxuum C/kariin Yuusuf Aaden (Dhegabadan) oo gelinkii danbe ee maanta lagu aasay deegaanka Xeraale ee Waqooyiga Galgaduud, waxana ka hor intii an laga qaadin Maydka Marxuumka magaalada Muqdisho waxaa salaadda Janaasada ku tukadey madaxda ugu sareysa dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in marxuum Dhegabadan  uu ahaa wadani geesi ah oo dalkiisa u soo shaqeeyey xili adag oo dalka laga xoreynayay cadowga soo duuley ee Al-shabaab.

“Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo Marxuum Dhegabadan oo ahaa geesi waqti badan galiyey la dagaalanka kooxda Argagixisda ah ee Alshabaab iyo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdaas shar wadayaasha ah ee baneystay dhiigga dadka Soomaaliyeed.

“Dhagabadan wuxuu xili adag hoggaamiyey Ciidanka, xiligaas oo an isla shaqayn jirnay, waxaana ku xusuusan doonaa geesinimo, naf-hurid, Wadaninimo iyo daacadnimo.” ayuu yiri Wasiir Diin.

received_932863160128280received_932863583461571

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment