4200 Views

VEDIO: Muslimiinta Minnesota oo loo diiday dhul ay ka dhigan lahaayeen Qubuuro

VEDIO: Muslimiinta Minnesota oo loo diiday dhul ay ka dhigan lahaayeen Qubuuro
____________________________________________________________________________

Talaado, November 03, 2015 — Waxaa shalay lagu qabtay shir jaraa’id degmada Dakota ee gobolka Minnesota soo ku saabsanaa diidmo ay golaha deegaanka dagmadaasi ku diideen dhul banaan oo muslimiinta Minnesota ay doonayeen inay ka dhigtaan xabaallo ama qubuuro ay ku aastaan maydadka, iyagoo ku macneenayay sababata ay u diideen in meesha aan looga talo-galin qubuuro, sida ay sheegeen dadkii ka hadlay shirka jaraa’id.

Shirkan jaraa’id oo ay ka soo qayb-galeen warbaahinta gobolka Minnesota ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Jeylaani M. Xuseen oo ah madaxa hay’ada CAIR oo u doodda xaquuqda muslimiinta Maraykanka qaybteeda Minnesota, wuxuuna sheegay in horay muslimiinta Minnesota ay dhibaatooyinkan oo kale ula kulmeen, balse ay ku guuleystaan goobahii loo diiday, Waxaa kaloo, shirkaan jaraaid goobta uu ka dhacayay ku sugnaa qaybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool Minnesota sida, culummada, haweenkii iyo dhallinyarada.

HADDABA, Nala daawada Filim aan idiin kaga soo duubnay shirka jaraaid lagu qabtay iyo dareenkii Soomaalida Minnesota dagan ay ka muujiyeen arrintaan.

 

 

.muslimiinta-minisota-1muslimiinta-minisota-8 muslimiinta-minisota-7 muslimiinta-minisota-6 muslimiinta-minisota-5 muslimiinta-minisota-4muslimiinta-minisota-3 muslimiinta-minisota-2

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment