4356 Views

Xoghaya guud ee Olombikada Somaliyeed oo lagu soo dhaweeyay dalka Mareykanka

Xoghaya guud ee Olombikada Somaliyeed oo lagu soo dhaweeyay dalka Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 03, 2015 – Bahda Sports-ka iyo Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Olymbic kada Muddane Duraan Axmed Faarax oo howlo shaqo ku tegay magaalada Washington ee Caariga Maraykanka.

Xoghayaha ayaa uga horeyn ka warbixiyey ujeedada Socdaalkiisa ee dalka Maraykanka,  isagoo ka sheekeeyay horumarka Sports ee dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo wuxuuna si weyn u dhiiri geliyey Jaaliyadda Sports-ka ee reer Minnesota, isagoo sheegay in Sports-ka loo adeegsan karo Wacyi Gelinta iyo isku dubaridka dhalinta Soomaaliyeed meelkasta aay joogaan.

Muddane Duraan Axmed Faarax ayaa waxa uu yiri “ Wafdi ka socda Olympic kada Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay Shirweyne Sanad kasta mar la qabto oo socoday 4 maalin shirkasi oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 206 Wadan oo ay matalayeen ilaa 1300 oo qof waxaana xooga lagu saaray hormarinta Olympic ee Xiriirka caalamiga ah ee Aduunka.

Inta uu shirka socday ayaa waxa uu sheegay in kulamo gooni gooni ah ay la qaateen wadamo kala duwan waxayna kala hadleen sidii ay ugu qeyb qaadan karaan hormarinta Olombikada Soomaaliyeed,Dhanka kale wuxuu ka sheekeeyey hormarka  uu wadankeena Somalia ku talaabsanayo gaar ahaan Sports-ka.

Waxaa Sidoo kale goobta ka hadlay Dad kala duwan oo aqoon durugsan u leh Sports-ka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan sidii ay u hormarin lahaayeen loona soo celin karo waayihii wacnaa ee Sports-ka Soomaaliyeed ee beri samaadkii iyo si ka wanaagsan ee ku salaysan Casriga hadda la joogo. ugu danbeyntii waxaa lagu xusay Abdulkadir  Haji Daahir “Shiikha”  iyo Ahmed Daahir oo soo abaabulay xalfadaan.

MG_4946MG_4951MG_4957MG_4972MG_5027

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment