3915 Views

Dad u dhashay dalka Kenya oo Maxkamada Gobolka Banadir la hor keenay.

Dad u dhashay dalka Kenya oo Maxkamada Gobolka Banadir la hor keenay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 04, 2015 – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay eedesanayal ajaanib ah, kuwasoo lagu soo eedeyay in ay si sharci darro ah ay ku joogeen gudaha dalka, waxaana maxkamadda goob joog ka ahaa saraakiil ka socotay laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, saraakiil boolis iyo mas’uuliyin ka socotay safaaradda Kenya ay ku leedahay Soomaaliya.

Eedeeysanayashan oo u dhashay dalka Kenya ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa 22, waxaana lagu soo oogay in ay si sharci darro ah ku joogeen dalka.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha Qaranka Maxamed Xasan oo dacwadda ku soo oogay dadkan ayaa sheegay in shaqaalahan ajaaniibta ah aysan heysan ruqsaddii shaqaalenimo.

“Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka waxa uu shirkadda Liber link ku eedeynayaa inay ku xad gudubtay qodobka 37 xarafkiisa (o) iyo qodobka 24 ee sharci shaqaalaha shisheeyee, sababtoo ah shirkadda waxa ay shaqaaleysiisay dad aan heysan ruqsadda shaqaalenimo isla markaana aan dalka si sharci ah ku joogin, maxkamaddana waxaan ka codsaneynaa inay kiiskaasi ku qaaddo eedeysanayaashan” ayuu yiri Maxamed Xasan

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa tilmaamay in kiiska eedeysanayaasha ka soo jeeda dalka Kenya laga dhigay maalinta khamiista oo ay taariikhdu ku beegantahay 5ta bisha, maadaama Qareenkii u doodayay uu sidaasi codsaday.

“Waxaan ogolaanay in aan hal maalin dib u dhigno kiiskan, khamiista ayaana ka dhignay in dacwadooda la qaado” ayuu yiri Xaashi Cumar.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment