3195 Views

Dhisidda guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka oo baarlamaanka la horgeyn doono

Dhisidda guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka oo baarlamaanka la horgeyn doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 04, 2015 – Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in sharciga dhismaha Guddiga madaxabanana ee Xuquuqul insaanka dhawaan la horgeyn doono Baarlamanka.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in ra’yiga qeybaha bulshad ay muhiimtahay, isla markaana ay horgeyn doonaan golaha shacabka si ay u meel mariyaan.

“Marka goluhu meel mariyo, waxaa xigi doonto in Madaxweynaha uu ku soo saaro xeer, kuna soo baxdo faafinta rasmi ah, kadibna habkii lagu soo xuli lahaa cidda ka mid noqon doonto, waan isla hubineynaa, si xukuumaduna ay door uga qaadato” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Hadalka guddoomiyaha ku-xigeenka ayaa imaanaya markii shalay Muqdisho uuu ku soo xiray kulan socday muddo laba maalin ah oo looga hadlayay dhisidda guddiga madaxa banaan ee xaquuqul Insaanka.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment