3621 Views

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo lacago u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaal Madiina

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo lacago u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaal Madiina
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 04, 2015 – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta isbitaalka Madiina ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Axaddii la soo dhaafay ka dhacay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kan maamul ahaan ay garan taaganyihiin bukaanada jiifa isbitaalka.

Guddoomiyaha ayaa mid mid u booqday bukaanada ku jira isbitaalka oo uu xaaladooda wareystay, kuwaasi oo uu gaarsiiyay kaalmo lacag ah oo uu ugu talagalay in lagu baxnaaniyo, waxaana uu Alle uga baryay in uu bogsiiyo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo Warhaabinta kula hadlay gudaha isbitaalka Madiina ayaa shegay in Guddoomiyaha gobolka uu deeq lacag ah u qeybiyay bukaanada ku jira isbitaalka, oo uu qofkiiba helay halmilyan oo shilin Soomaali ah, kuwaasi oo isugu jira kuwii ku soo dhaawacmay weerarkii Hotel Saxafi iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment