3906 Views

Qorsheyaal looga hortago weerarada Al-Shabaab oo la diyaariyay

Qorsheyaal looga hortago weerarada Al-Shabaab oo la diyaariyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 04, 2015 – Taliyaha Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Hay’adaha Amniga ay sameeyeen istiraatiijiyad looga hortagayo weerarada Argagixisanimo ee mararka qaar ka dhaca caasimadda Muqdisho ee ay soo abaabulaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in ciidanka ay fariisimo horleh kasameysteen duleedka caasimadd, si looga hortago falalka ay maleegayaan argagixisada.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka oo kaashanaya shacabka ay u taaganyihiin inay ka hortagaan falalka ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

“Istaraatiijiyadda la dajiyay ay ka mid tahay sida looga hortagayo gaadiidka laga soo buuxiyo waxyaabaha qarxa, waxaa kaloo jirta qorsheyaal lagala dagaalamayo gobolada dalka, arrinta kale ee ugu muhiimsan waxa ay tahay in kuwa cafiska loo fidiyo la soo dhaweeyo”ayuu yiri Taliye Tuuryare.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in weerarada ay ku soo qaadayaan hoteelada iyo goobaha kale ee bulshada ku kulanto uu ka turjumayo sida ay ugu fashilmeen dagaalkii foolka foolka ahaa.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment