4230 Views

Afrika xilligan waa suuq Ganacsi oo dalaladu ay ku badanyihiin.

Afrika xilligan waa suuq Ganacsi oo dalaladu ay ku badanyihiin.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2015 – Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirki hore ee Arimaha Dibada Soomaaliya hadana ah Agaasimaha Mashaariicda gaarka ah ee Bankiga Horumarinta Afrika Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay horumarka iyo dimoqraadiyada ka jira Wadamada Afrika.

Isagoo jooga dalka Ivory Coast ayaa wareysi uu siiyay Idaacada VOA ayaa waxaa uu is bar bar dhig ku sameeyay dimoqraadiyada ka jirta Afrika iyo tan dalalka horumaray,

Dr. Beyle ayaa ka hadlay doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalalka Tanzania iyo Ivory Coast, isagoo tilmaamay in si aad ah loo hadal haayo hogaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah inay kursiga madaxtinimo ku sii negaadaan, isla markaana is bedel ku sameynata dastuurka wadamada ay hogaamiyaan.

Waxaa uu sheegay in Hogaamiyeyaasha Afrika qaarkood ay u horseedeen dalalkooda horumar dhaqaale oo muuqda , isagoo qiray in Afrika ay xilligan tahay Suuq ganacsi oo dalal badan ay u tartamayaan in wax soo saarkooda ay ka iibiyaan Afrika.

Mar uu ka hadlayay nidaamka dimoqraadiyadda oo aan si dhab ah uga dhaqan gelin Afrika , ayuu sheegay in Dimoqraadiyadda ay ka dhaqan gashay wadama badan oo Afrika ah , haddana nidaamkaasi uu sii baahayo.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyin ka qabsoomi doona Soomaaliya sanadka 2016 ayuu sheegay in wadamada badan ay dano ka leeyihiin dalka Soomaaliya, loogana baahan yahay dowladda Soomaaliya inay si wacan u eegto danaha dalalkaasi.

“Soomaaliya waxaa sanadka 2016 ka qabsoomaya doorashooyin, waxaa loo baahan yahay in dowladdu ay si wacan u eegto danaha badan ee Caalamka ka leeyihiin, maadaama Soomaaliya horumar ay dhan kasta ka sameyneyso”ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Dr. Beyle ayaa sidoo kale xusay in Deegaanada Somaliland oo looga bartay doorasho uu ku hanweynyahay in nidaamka iyo sharciga uu sareyn doonto , lana soo afjari doono khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo dhiira gelinta Maalgashiga dowladda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo dhowaan ka qeyb galay shirkii looga hadlayay arrimaha qaxootiga ee ka dhacay magaalada Brussels ayaa ka sheegay in Bangiga Horumarinta Afrika uu lacag 30-milyan ku bixinayo arrimaha qaxootiga Soomaaliya.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment