5955 Views

Ciidamada Nabad Sugida Galmudug oo soo furtay ajaaniib afduub loo Heystay

Ciidamada Nabad Sugida Galmudug oo soo furtay ajaaniib afduub loo Heystay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2015 – Ciidanka Nabadsugidda ee Maamul Goboledka Galmudug, ayaa soo furtay la heystayaal Iiraan u dhashay oo muddo 10 bilood ah afduub ahaan ay u heysteen Koox burcad badeed ah, kuwaa oo lagu hayay deegaanno ku teetsan Xeebaha Mudug.

Soo furashada dadkaan oo u dhashay Dalka Iiraan ayaa ka dambeysay howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugida Maamulka Galmudug iyadoo ay  ku guuleysteen in si nabdoon ay ku soo furtaan afarta ruux ee u dhashay dalka Iiraan oo horay loogu afduubtay xeebaha Soomaaliya iyo kooxihii afduubka u heystay.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed Maxamed Xaashi Cabdi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen in si nabdoon ay u soo bad baadiyaan afar ruux oo u dhashay dalka Iiraan, waxaana arrintani uu ku tilmaamay in qeyb ay ka tahay qorshaha ay ku doonayaan in ay ciribtiraan Burcad badeeda Soomaaliya.

Afartan ruux ee u dhashay dalka Iiraan ayaa ahaa kaluumeysato muddo afduub loogu heystay deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud, waxaana kooxdii heysatay ay ka doonayeen lacag madax furasho ah.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment