4644 Views

Isku shaandheynta oo xog dheerad ah ka soo baxday.

Isku shaandheynta oo xog dheerad ah ka soo baxday.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2015 – Sida na soo gaartay warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayaa qorshaha isku shaandheynta Golaha Wasiirada ee uu wado Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.

Isku shaandheynta oo Seddexdii maalin ee lasoo dhaafay laga dareemaayo Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegayaa inay ku bixi doonaan Wasiiro dhowr ah, halka qaarkoodna xilalka loo kala wareejin doono.

Wasiirada ku bixi doono isku shaandheynta ee sida aadka ah looga hadal hayo xarumaha Dowlada ayaa waxaa kamid ah:

1-Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Max’ed Xuseen Odawaa

2-Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Somalia Cabdirisaaq Cumar Max’ed.

3- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar

4.Wasiirka Maaliyada Fargeeti oo laga yaabo in laga dhigo Wasiirka Arimaha Dibada Somalia.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa isla meel dhigay in Wasiir Cabdirisaaq laga dhigo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo haatan dhismihiisa la guda galayo.

Sidoo kale, Odawaa ayaa isna lagu qancin doonaa mid kamid ah Safaaradaha Somalia ee ku yaalla dalalka carabta, sida uu qorshuhu yahay.

Dhanka kale, qorshahaani ayaa waxa uu marayaa heer gabagabo, waxaana la soo warinayaa in goordhow isku shaandheyntaasi laga filaayo inuu ku dhaqaaqo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment