4401 Views

Ra’isul Wasaaraha Cumar C/rashiid oo Shir Guddoomiyay Kulan Amniga Looga Hadlay

Ra’isul Wasaaraha Cumar C/rashiid oo Shir Guddoomiyay Kulan Amniga Looga Hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2015 – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir guddoomiyay fadhi looga hadlay amniga Dalka oo ay ka qeyb galeen Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,Saraakiil ka socotay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay Dowladaha midowga Yurub iyo Wasiirka Amniga gudaha.

Kulanka ayaa waxaa warbixino amniga la xiriira  lagaga dhageystay Taliyaha Ciidanka NISA C/raxmaan Tuuryare iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed kuwaa oo faah faahin ka bixiyay dadaalada lagu ciribtirayo Argagaxisada Al Shabaab iyo xoreynta ka socota deegaanada fara ku tiriska ah ee Maleeshiyaadka Al  Shabaab oo heer wanaagsan maraya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa kulanka markii uu soo gaba gaboobay kaddib Warbaahinta Qaranka ugu warbixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanka ahmiyad lagu siinayay xoojinta amniga iyo wada shaqeyn  dhexmarta ciidamada Qalabka Sida, Ra’isul wasaaruhuna uu ku adkeeyay Taliyeyaasha Ciidamada in si dhow ay u wada shaqeeyaan si amniga dalka gacan bir ah loogu qabto.

Kulankani looga hadlayay amniga Dalka ayaa qeyb ah kulamo isdaba joog ah oo inta badan looga hadlo ammaanka, waxaana muhiimadu ay tahay in si dhow ay ula shaqeeyaan dadweynaha hey’adaha Ammaanka si looga hortago qataraha ay u maleegayaan umadda Soomaaliyeed manaxayaasha argagaxisada Al Shabaab.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment