3567 Views

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Kigali Kula kulmay Xoghayaha Guud Interpol

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Kigali Kula kulmay Xoghayaha Guud Interpol
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2015 – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxaa uu kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Boliiska Adduunka Interpol Mr. Jűgen Stock.

Labada Mas’uul oo ay si wada jir ah uga qeybgalayan shirka Interpol ee ka socda Kigali ayaa kulankooda waxay kaga hadleen xaaladaha dalka Soomaaliya,Sidii Boliiska Soomaaliyeed looga caawin lahaa sare u qaadista doorka uu ku leeyahay Ururka Interpol,In Soomaaliya laga cafiyo ama laga dulqaado lacagta sanadlaha ee qoondada ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Ururka wixii ka horreeyey 2013, tassoo Soomaaliya lagu leeyahay lacag badan oo uu hadda awoodin Boliiska Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo ay ka wada hadleen In laga tixgeliyo Soomaaliya dhanka tababarrada kala ee la xiriira dembiyada kala duwan, In si dhaqsi leh loogu hagaajiyo qalabka i 7/24 ee lagula xiriiro xubnaha ururka oo muddo dheer ka halleysnaa.

Wada hadalka oo saacado socday ayaa ugu dambeyntii labada dhinac isku afgarteen in la fuliyo qodobadii laga wada hadlay.

IMG-20151104-WA0006-1

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment