3723 Views

Wasiirka Cusub ee Qorshaynta Qaranka Somaliland oo si ballaadhan Hargeysa loogu soo dhaweeyey

Wasiirka Cusub ee Qorshaynta Qaranka Somaliland oo si ballaadhan Hargeysa loogu soo dhaweeyey

Hargeysa | November 5, 2015 – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland ahna Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey waddanka Kenya Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Wasiir Cali Shoombe oo shalay gelinkii dambe ka soo degay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airporte ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Salaadiin, Xildhibaanno, SIyaasiyiin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, kuwaas oo ku sugayey garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa, isla markaana lolayey calanka Somaliland iyo sawirada wasiirka Cusub ee qorshaynta qaranka.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Qorshaynta qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo markii uu soo degay warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa, ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta, Salaadiinta iyo dadweynaha kale ee soo dhaweeyeyba, waxaanuu sheegay in uu aqbalay xilkaasi uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay ee wasaaradda qorshaynta ah.

Wasiir Cali Shoombe waxa hadalladisii ka mid ahaa “Waan idiinku hambalyeynayaa soo dhaweynta aad I siiseen waxaad I siiseen kalsooni, aniguna waxaan idiin ballan qaadayaa shaqadaas la ii diray in aan si daacad ah oo sinaan ah oo waddaninimo ah idiinku qabto, waayo waxaynu dhisaynaa dal burburay oo u baahan in ay dhulka ka qaadno, intaasna la soo waday, ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu xilkaas igu asturo idinkuna aad iigu ducaysaan, waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo aniga oo dalka ka maqan ii gartay in aan dalka u shaqeeyo, waxaan filayaa in xaafadayadu cabashadii ahayd wasaarad ayaa naloo kala jeexayna ay maanta ka baxayso”

cali-shoombe-2

Wasiirka Qorshaynta Cali Shoombe oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Waxaan diyaar u ahay in aan sidiisa u fuliyo go’aankii lagu gaadhay shirkii lagu galay Huteelkan Hadhwanaag, waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland oo isaga oo aan oday ii geynin ama aan cidi odhan xilkaas u magacaw isagu ii gartay xilkan uu ii magacaabay, ILAAHAY ha ka jasaa’I siiyo ayaan leeyahay, qof kasta

oo maanta I doonayana alabaab kaygu wuu u furan yahay, in kasta oo aan jeclaa in aan Nairobi sii joogo oo aan Aqoonsiga raadiyo hadana xilka la ii igmaday ayaa ka wayn waanan aqbalay ILAAHAY ha igu asturo”

Suldaan Cumar Suldaan Faarax oo ka mid ah salaadiinta waaweyn ee dalka oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey wasiirka qorshaynta qaranka Cali shoombe, waxaanuu yidhi “Nin dalkiisa iyo umaddiisaba si ceeb la’aan ah ugu shaqeeya ayeynu ILAAHAY uga baryeynaa, Madaxweynahana waynu u mahad naqaynaa u magacaabay wasiirka isaga oo maqan” ayuu yidhi suldaanku.

Xidhibaan Mubaarik Cabdi Malaw oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu magaaladda Hargeysa iyo xilkan loo dhiibayba ku soo haweynayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Cali Shoombe.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Tignoolajiyadda iyo Cilmi baadhista Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyey, ayaa wasiirka cusub ee qorshaynta ku soo dhaweeyey magaaladda Hargeysa, waxaanuu sheegay in ay yihiin laba nin oo saaxiib ah oo in muddo ah soo wada shaqaynayey.

 

 

 

.

.

__________________________

 

Share This Post

Post Comment