3651 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Aqoonyahanada ah kula taliyay In ay ka shaqeeyaan horumarinta Dalkooda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Aqoonyahanada ah kula taliyay In ay ka shaqeeyaan horumarinta Dalkooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 06, 2015 – Guddoomiyaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jabinayeen Arday dhameysatay Waxbarashada Jaamacada Benaadir ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay in looga fadhiyo ka qeyb qaadasha dib u dhiska dalkooda.

“Wadanka kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda  burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri gudoomiyaha Baarlamanka.

Mudane, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa dhalinyarada Aqoonyahanada ah waxa uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan cadaalada iyo xoojinta amniga, isagoo tilmaamay cida hada shaqada ay u hayaan in ay yihiin Dadka Soomaaliyeed laakiin ay diyaarinayaan in beri ay xilka ku wareejiyaan dhalinyarada wax u soo bartay dadka dalkooda, waxaana dhalinyarada uu xusuusiyay in dal walba dhalinyaradiisa ay dhisto.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment