3564 Views

Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Dalka oo booqanaayo Xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab

Wafdi Uu Hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Dalka oo booqanaayo Xeryaha Qaxootiga Ee Dhadhaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 06, 2015 – Marki ugu horreysay ayaa Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Wafdi uu hogaaminayo saakay booqanaya xeryaha qaxootiga dhadhaab si uu ugu kuur galaan xaalada heysata qaxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalka Kenya ku jira.

Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa safarka ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka socda maamulka Jubbaland ee uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Ra’isul Wasaaraha Dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa inta uu jooga xeryahaasi waxa uu u kuur gali doonaa sida uu u dhaqan galay heshiiska sedex geesoodka ahaa oo 2013-kii dhexmaray Dowladaha Soomaaliya,Kenya,iyo hey’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qaxootiga UNHCR oo ku saabsanaa dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Wafdiga maanta booqanayaa xeryaha ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Hey’adda UNHCR iyo madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca Kale Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay ka safaarad ahaan in ay fududeyn doonaan in dib dalkooda hooyo loogu soo celiyo muwaadiniinta Soomaaliya ee dalkaasi ku sugan, waxaana uu xusay in heshiiska sedex geesoodka ahaa ee dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliya heer gaba gaba uu marayo dhaqan galintiisa.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment