3888 Views

Ciidamada ilaalada hotel Wehliye oo qabtay nin xirnaa labiska haweenka

Ciidamada ilaalada hotel Wehliye oo qabtay nin xirnaa labiska haweenka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2015 – Ciidanka ilaalada ee hotel Wehliye ayaa caawa qabtay oo gacanta ku dhigay sadex rag ah oo mid ka mid ah uu xirnaa labiska dumarka sida Goono, xijaab iyo Indhashareer.

Maamulaha Hoteelka ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay qabashada raggaasi, isagoo xusay in ciidamadu ay ka shakiyeen kaddibna ay qabteen sadexdaasi nin oo mid ka mid ah uu qabay labiska haweenku xirtaan.

Dhinaca kale maamulaha ayaa sheegay iney raggaasi ku wareejiyeen ciidamada amniga gaar ahaan kuwa hey’adda nabadsugidda Qaranka.

Raggaasi ayuu tilmaamay iney ku tuhmayeen iney ka shaqeeynayeen falal amni darro ah, inkastoo uu xusay ineysan raggaasi ku arkin wax hub ah markii ay baareen.

Ciidamada ammaanka ayaa dhowr kol oo hore qabtay rag soo xirtay labista haweenka, kuwaasoo la rumeysanyahay ineey maleegayeen falal ka dhan ah amniga wadanka.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment