4842 Views

WAR DEG DEG AH: Xildhibaan mar dhow la dhaawacay.

WAR DEG DEG AH: Xildhibaan mar dhow la dhaawacay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2015 – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu magcaabo Maxamed Axmed Gurxan ayaa lagu dhaawacay meel ku dhow Afar Irdoodka ee degmada Xamarweyne, marki niman dableey ah ee watay gaari, ay ku fureen risaas isdaba joog ah.

Xildhibaanka ayaa risaasta ka haleeshay qaybta sare ee jirkiisa; isla markiinaba dableeydi dhibka geysata way ka baxsadeen goobta , cid qabatayna ma jirto.

Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in Xildhibaanka xilliga la tooganayay uu taagnaa nawaaxiga Bacadlihii hore ee Xamar weyne, isla markaana gaari ay niman dabley saarnaayeen uu soo ag-istaagay, dabadeedna ay rasaas ku furay.

Guddoomiyaha degmada Xamar weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa u sheegay in Xildhibaanka oo dhaawac halis ah qabay loona qaaday Isbitaal.

Ma aha marki ugu horeeysay ee Xildhibaan la toogto, oo waxa ay hayd todobaad ka hor marki Hotel Saxafi lagu dilay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon.

Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaanka ay rasaas ku fureen dabley watay gaari nuuca kaaribta ah oo madow isla markaana ay goobta ka baxsadeen, waxaana uu intaa ku daray in Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan lagu baxnaaninayo goobaha caafimaadka.

“Xildhibaanka dhaawac ayaa soo gaaray, waxa uu ka midyahay guddiga arrimaha gudaha, dhaawaciisa wuu fududyahay, hadda waxa uu ku jiraa qeybta deg dega, dhaqaatiirtuna weli si fiican ugama hadlin dhaawaciisa” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamiin.

XIldhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu dhaawacay.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment