4302 Views

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka oo ka hadlay koontaroolka tayada dawoyinka la keeno

____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2015 – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Cismaan Daallo) oo shalay ka qeyb galay kulanka todobaadka oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay Wasaaradda caafimaadku qabatay ayaa xusay in ay dadaal ugu jirto sidii loo ogaan lahaa waxkasta oo dalka soo gala, gaar ahaan dhanka dawooyinka.

Mudane Cismaan Maxamed Cabdi ayaa tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadka ay qaadan doonto doorkeeda uga aadan hubinta dhaqaatiirta ka howlgalla gudaha dalka iyo tayada dawooyinka dalka la keeno, si bulshada ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh iyo dhaqaatiir wax gal u ah bulshada.

“Waxaan wadnaa qorshe lagu ogaanayo qibradda iyo aqoonta ay leeyihiin howlwadeenada caafimaad ee dalka ka howlgalla, iyo sidoo kale tayada dawooyinka dalka ka leeno, si aan u hubino” ayuu yiri Cismaan Daallo.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waddo dadaalo la xiriira sidii looga hortagi lahaa dawooyinka tayayooda hooseeysa ee dalka la keeno iyo qibradda howlwadeenada caafimaad ee dalka ka howlgalla.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment