6480 Views

Xilibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawaci maanta soo gaaray.

Xilibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawaci maanta soo gaaray.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 07, 2015 – War iminka na soo gaaray ayaa sheegaya in Xilibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsana Baarlamaanka Soomaaliya uu geeriyooday dhaawac culus oo saakay maagalada muqdisho ay ugu geysteen dableey hubeysan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayar Maareeye ayaa Radio muqdisho u xaqiijayay geerida Xilibaanka, Isagoo Uga tacsiyeeyay Ehelada iyo  xubnaha baarlamaanka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka.

Alaha u naxariistee Xilibaanka ayaa lala beegsaday illaa lix xabadood,waxaana la dhigay Cisbitaalka Daaru-shifaa halkaas oo uu goor dhaw ku geeriyooday.

Taliyaha ciidanka booliska Gobalka Banaadir Gen Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo ka hadlay weerarka lagu dilay Xilibaan Gurxan ayaa sheegay in la helay raadka Kooxihii dilkaasi ka dambeyay ayna qaadeen tallaaboyin looga dabatagayo falkaasi.

xildhibaan-gurxanXildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa noqonaya xildhibaankii shanaad oo sanadkan gudihiis la dilo, AUN

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment