4608 Views

Madaxweyne Xasan Shekh oo gaaray Dalka Ugandha

Madaxweyne Xasan Shekh oo gaaray Dalka Ugandha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 08, 2015 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Intebba waxaa ku soo dhaweeyay Madaxeynaha Ugandha Yoweri Kaguta Museveni iyo masuuliyiin ka tirsan dowladdaasi.

M.weynaha Soomaaliya oo booqasho halmaalin ah ku joogi doona dalkaasi ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay dhigiisa dalka Ugandha waxaana kulankaasi lagu falaanqeeyay arimo gaar ah oo ay qeyb ka tahay arimaha Amaanka dalka soomaaliya iyo sidoo loo xoojin lahaa taageerada milatari ay Ugandha siiso dowladda soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha ladagaallanka Argagixisada Al-shabab iyo xoojinta howlgalada Ciidamada midowga Afrika ee Amisom.

M.weynaha Ugandha Yoweri Kaguta Museveni ayaa dhiniciisa Ballan qaaday in dowladdiisu sii Xoojineyso taageerada iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladdood.

Dalka Ugandha ayaa Soomaaliya u soo diray Kumanaan Ciidama ah kuwaas oo hoggaaminaya howlgalka Milatari ee Amisom ay ka waddo soomaaliya kaas oo goballo badan ka saaray maleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabab Al-Qaacidda.

IB0A8385IB0A8415IB0A8421IB0A8435

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment