3765 Views

Q.M. oo warbixin ka soo saartay dadka dhibaatada ka soo gaartay daadaki ku dhuftay qaarka mid ah gobollada Soomaaliya.

____________________________________________________________________________

download

Muqdisho, November 08, 2015 –Warbixin uu soo saaray xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadinimada QM ee OCHA ayaa lagu sheegay in ka badan 90,000 oo qof ay saameeyeen daadad ka dhashay roobab ka da’ay qeybo ka mid ah waddanka tan iyo bishii October ee sannadkan.

OCHA ayaa sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyay roobabka ka da’ay goballo ka tirsan waddanka sidda Bakool, Baay, Jubadda Hoose, Jubadda dhexe, Shabeellaha dhexe ay saameeyeen qoysas badan kuwaasoo hadda u baahan gargaar.

“Kumanaan qof oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa khatar ugu jirra in ay saameeyaan daadadka ka yimaada wabiyada waddanka” siddaas waxaa sheegtay QM.

Horrey ayaa hay’adaha gargaarka waxay u sheegeen in daadad ka dhasha webiyada Jubba iyo Shabeelle ay saameyn ku yeelan karaan qiyaastii 900,0000 oo qof oo ku nool meelaha u dhow webiyada.

Soomaaliya ayaa sannado badan waxaa ku dhuftay daadad xooggan, waxaana hadda laga digayaa duufanta El Nino taasoo wadada dabeylo xooggan.

QM ayaa bishii horre ka digtay dabeysha El Nino taasoo saameen ku yeelaneysa 12 Miloyan oo qof laga billaabo sannadka 2015 halka sannadka 2016-ka ay tiradaas gaari doonaan 22 Milyan oo qof.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment