4515 Views

RW/ xigeenka oo ka qayb galay aaski loo sameeyey Marxuum Maxamed Axmed Gurxan

RW/ xigeenka oo ka qayb galay aaski loo sameeyey Marxuum Maxamed Axmed Gurxan
____________________________________________________________________________

Muqdisho November 8, 2015 – Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo kooxo dhagar-qabayaal ah ay shalay ku dileen magaalada Muqdisho. Waxana aaska Marxuumka ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, Siyaasiyiin iyo dad weyne kale oo kamid ahaayeen ehellada Marxuumka.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo Saxaafadda la hadlay aaska ka dib ayaa sheegay in dilka kooxaha Nabad-diidku u geysteen marxuum Maxamed Axmed Gurxan iyo kuwii ka horeeyay aysan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanka, wuxuna ugu baaqay laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka cadaaladana la horkeenno.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii uu ka baxay marxuumka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah.

“Xildhibaan Gurxan wuxuu ahaa qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, wuxuu dhintay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynaya. Gurxan wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono” ayuu yiri R.W ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka X. Soomaaliya ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheegaan kooxaha shar wadayaasha ah.

unnamed-210

—–DHAMMAAD—

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment