4101 Views

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo loo sameeyay aas Qaran

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo loo sameeyay aas Qaran
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 08, 2015 – Waxa maanta magaalada Muqdisho aas Qaran loogu sameeyay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo shalay kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka AUN, oo lagu aasay qubuuraha Isbitaalka Madiina ayaa waxaa aaskiisa ka qeybgalay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamanka, Jeylaani Nuur Ikar, ku simaha R/wasaaraha ahna R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiir ku xigeenka Wasaaradda C/llaahi Colaad Rooble, Xildhibaanno iyo ehelada Xildhibaanka qaraabada la ahaa.

Sida la ogyahay, Xildhibaanka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay kooxo hubeysan shalay ku fureen xilli uu ku wajahnaa xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Alla ha naxariisto Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan, inti uu ka tagayna samir iyo iimaan.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment