6564 Views

Odawaa oo loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka

Odawaa oo loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 November 2015:Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow loo dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya, asagoo lagu bedelay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo looga doodayay sharciga Saxaafada ayaa Guddoonka Baarlamaanka uu kulanka ka sheegay inuu jiro Xildhibaan lagu bedelayo booska Xildhibaankii geeriyooday Abtidoon, waxaana si lama filaan ah kulanka u hor-yimid Wasiir Odawaa oo lagu bedelay Xildhibaan.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa durbaba Wasiir Odawaa u dhaariyay Xubinimada Baarlamaanka Federaalka, isagoo mudada 10-ka bilood ee u hartay Baarlamaanka hada jira uu ka sii mid noqonayo.

Warar hoose ayaa sheegaya in beesha uu ka soo jeeday Xildhibaankii geeriyooday Abtidoon ay isku raaceen in xubinimada Baarlamaanka lagu bedelo Wasiir Odawaa oo ay isku heyb ahaayeen.

Xubinimada Wasiir Odawaa ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo la hadal haayo  inuu jiro isku shaandheyn lagu sameynayo Xukuumadda, taasoo ay suura gal tahay in Odawaa qudhiisu ka mid noqdoono Wasiirada booskooda weynaya.

 

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment