4068 Views

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kuwait uga qeyb galaya shir muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 November 2015: Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Kuwait, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait iyo xubno kale.

Wasiirka iyo xubnaha la socday waxaa dalka Kuwait ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdiqaadir Amiin Sheekh iyo diblomaasiyiinta safaaradda Soomaalida ee Kuwait, waxaana Wafdi Wasiirka ay ka qeyb gali doonaan shirka dhaqaalaha Islaamka oo ay soo qaban qaabiyeen bankiga dhexe ee dalka Kuwait iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Shirka ayaa lagu wadaa in uu furmo maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 12.11.2015, kaasi oo diiradda lagu saari doono arrimaha dhaqaalaha.

image_2

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment