3585 Views

Baarlamaanka oo ka doodaya hindise sharciyeedka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka

Baarlamaanka oo ka doodaya hindise sharciyeedka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 11, 2015 — Baarlaamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya Hindise sharciyeedka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka kulan ay ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka ee magalada Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Cumar habdhawraha Baarlamaanka Federaalka ah oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in mudanayaasha ka doodi doonaan hindise Sharciyeedka Iibka iyo qandaraasyada Qaranka.

“Ajandaha kulanka Baarlamaanka ee maanta waxa uu ku saabsanyahay ka doodista hindise sharciyeedka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka, akhrinta labaad ayuu soo maray, balse Xildhibaanada maanta waxaa fursad loo siinayaa inay ka doodaan oo ay aragtidooda ka dhiibtaan, oo hadii ay su’aalo u baahdaan loo iftiimiyo, hindise sharciyeedkan 178 qodob ayuu ka koobanyahay, Guddiga Maaliyada oo uu guddoomiye ka yahay Samaan Sheekh Daahir ayaa soo diyaariyay” ayuu yiri Xildhibaanka.

Kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka ayaa mudanayaasha waxaa looga fadhiyaa inay meel mariyaan hindise sharciyeedyo dhowr ah oo muhiim u ah geedi socodka hiigsiga 2016-ka.

 

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment