4809 Views

Shariif Xasan Shekh Adan oo weerar ismiidaamin ah ka baxsaday

Shariif Xasan Shekh Adan oo weerar ismiidaamin ah ka baxsaday
____________________________________________________________________________

 

Moqdisho, November 11, 2015 —Warar mar dhow naga soo gaaray degmada Afgooye, ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah lagu qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Madaxweynaha Maamul Goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa booqasho ku tegey degmada Afgooye hase yeeshee gelinkii dambe ee maanta isagoo maraya deegaanka Carbiska ayaa lagu qaaday weerar ismiidaamin ah, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in uu ka badbaaday Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ismiidaamintaan ah ayaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah wafdigii la socday Madaxweynaha in kastoo an tiro la sheegin.

Ma ah markii horeeysan ee weerar ismiidaamin ah lagu qaado Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Madaxweynaha Koofur Galbeed isagoo maraya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wixi war ah ee naguu soo hordha wan idinla socodsiin-doonaa.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment