3972 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 12, 2015 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tegay waddamada Uganda, Jabuuti  iyo Sucuudiga.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu joogay dalka Uganda waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalkaasi iyo madax kale oo ka tirsan gobolka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka waddamada iyo guud ahaan sidii la isaga kaashaan lahaa ammaanka gobolka geeska Africa.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga uga qeybgalay shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Koonfuur America ee ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad qiimo badan oo uu ku xusay muhimadda ay leedahay sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya waddamada Carabta iyo dalalka Koonfuur America.

Madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa xalay ku soo cimreystay dhulka barakeysan ee Kacbada, wuxuuna madaxweynuhu Alle uga baryay ummadda Soomaaliyeed inuu ka dulqaado dhibta heysata.

unnamed22

unnamed-1310

unnamed-514

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment