3375 Views

R/wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay joojinta derbiga laga dhisayo xadka labada dal

R/wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay joojinta derbiga laga dhisayo xadka labada dal
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 12, 2015 —R/wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda Kenya uu kala hadlay in xadka Soomaaliya iyo Kenya aan laga dhisin darbi kala qeybiya labada wadan.

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke oo Wareysi siiyay Laanta Afka Somaaliga ee VOA ayaa ka hadlay derbi la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhiseeyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya wuxuuna si cad u sheegay in Madaxweynaha Kenya dhawaan markii ay ku kulmeen Nairobi uu kala hadlay in la joojiyo arinta darbigaasi ku saabsan islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin dhismaha derbigaasi.

Mudane Sharma’arke ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata uu ka aqabalay hakinta  darbiga dheer ee laga dhisayo xadka u dhexeeya Somaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale R/wasaare Sharmaarke oo Jasiiradda Maalta uga qeybgalay shirkii looga hadlayay Xakameynta qulqulka Tahriibayaasha galaya Yurub ayaa wax laga weydiiyay qoxooti Soomaali ah oo mararka qaar si qasab ah looga soo celiyo dallaka Yurub, wuxuuna sheegay in madaxda Yurub ay kala hadlayaan in dadka Somaalida ah aan la soo celin Karin, iyadoo aysan ogolaan dowladda Soomaaliya.

Hadalka R/wasaaraha Soomaaliya ee ah in Madaxda Kenya ay isku afgarteen in la joojiyo derbiga laga dhisayo xadka Somaaliya iyo Kenya ayaa imanaya,  iyadoo dowladda Kenya ay  horay u sheegtay in xadka ay la wadaato Soomaaliya ay ka dhiseyso darbi dheer si ay uga hortagto weerarada Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment