3810 Views

Xisbiyada oo Hindise sharciyeed Xisbiyada Siyaasadeed Talooyin ka soo jeediyay

____________________________________________________________________________

Muqdisho | Novermber 12, 2015 | Xisbiyada Siyaasadeed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdishiyo iyagoo sheegay in Shir labo maalmood qaatay ku yeeshay Xarunta Oslo ee Nabada & Xuquuqda Aadanaha ee Muqdisho , shirkaas oo ay dib-u-eegis iyo talooyin kaga doodeen ku aadan Hindise sharciyeedka Xisbiyada Siyasaasadeed, kaasoo ay diyaariyeen gudi baarlamaanka Federaalka.

Shirka Jaraa’id oo ay goobjeeg ka ahaayeen 12 xisbi ayaa waxaa la hadlay Warfaafinta C/qaadir Maxamed Cusmaan- Barnaamij – Gudoomiyaha Xisbiga Kulan, Eng Axmed Macalin Fiqi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Dalkir,  Zakariya Maxamuud Xaaji  Gudoomiyaha Xisbiga Ummah.

Xisbiyada ayaa dhaliil qaar ka mida qodobada Hindisaha xeerka Xisbiyada kuwaas oo ay ka mid tahay awoodaha faraha badan ee la siiyay Xafiiska diiwaangeliyaha, sidoo kale inuu sii xoojinayo xeerkani 4.5,  waxayna xisbiyada ku baaqeen in la sameeyo Gudiga Qaran ee Xisbiayda siyaasadeed (National Commission for Polical Parties ).

_______________________________

Fadlan Warsaxaaafadeedka iyo Talooyinka Xisbiyada siyaasadeed hoos ka aqri ..   

Warsaxafadeed

Dib u eegista  Hinidise-Sharciyeedka  Xisbiyada Siyaasadeed

(Mogadishu, 11 November, 2015) Annaga oo ah inta badan xisbiyada Siyaasadeed ayaa ku yeeshay Shir Xarunta Oslo ee Nabadda & Xuquuqda Aadanaha ee Magaalada Muqdisho 10 – 11, November, 2015, Shirka ayaa dib u eegis iyo talo bixin  lugu sameeyay “Hindise-sharciyeedka Xisbiyada Siyaasadeed” oo ay soo diyaarinyeen gudiga barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Ka soo qeyb galayaasha ayaa uga mahad celiyay Xarunta Oslo, taageerada farsamo oo ay la garab taagan tahay Xisbiyada Siyaasadeed iyo dadaalkooda ku aadan horumarka siyaasadeed iyo dimuquraadiyeed  ee dalka.

Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliyeed dood dheer ka dib waxay go’aansadeed :-

1-    In loo halgamo sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nidaamka xisbiyada badan iyadoo laysku duuban yahay lana leeyahay aragti mideysan oo ku aadan Hidise-sharciyeedka xisbiyada siyaasadeed .

2-    In loogu baaqo:-

  1. a) Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaarada Cadaaladda , Golaha Wasiirada, Golaha Shacabka in ay nala qaataan dib-u-eegista ay Xisbiyadu ku sameeyeen Hindise sharciyeedka.
  2. b) Wasaarada Arimaha Gudaha iyo baarlamaanka Soomaaliya in ay   Xisbiyada Siyaasadeed ee jira ka qeyb geliyaan ka talo bixinta Hindise Sharciyeedka Xisbiyada Siyaasadeed  heer walba uu marayo.
  3. c) Golaha Wasiirada in ay dedejiyaan ansixinta sharciga xisbiyada, isla markaana gudbiyaan si baarlamaanku u ansxiyo sharcigan kalfadhiga socda.
  4. d) Beesha Caalamka iyo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya  in ay dowr muhim ah ka qaataan taabagelinta dimuquraadiyada, iyo in  Soomaaliya ay ka hirgasho nidaamka xisbiyada badan.

3-    In  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu fuliyo Go’aankii Barlamaanka Soomaaliya ee ku aadanaa in Xisbiyada Siyaasadeed loo ogolaado in ay ka qeyb qaataan wadatashiga ku aadan doorashada 2016.

4-    In si xoogan looga hortago isku day kasto oo talada dalka lagu sii haysanayo ka dib xiliga doorashada ee 2016  oo aan ku imaan doorasho xor ah oo xalaal ah oo ay u tartamaan xisbiyada siyaaadeed.

5-    Xisbiyada siyaasadeed  iyagoo isku duuban waxay isku raaceen talooyinka lifaaqa ku qoran, waxayna u gudbin doonaan  shacabka iyo hay’adaha ay quseyso (Fadlan fiiri lifaaqa Talada Xisbiyada & Liiska xisbiyada)

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment