3759 Views

Dowladda Soomaaliya oo dib ugu yeertay Safiirkeeda Dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya oo dib ugu yeertay Safiirkeeda Dalka Kenya.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 13, 2015 — Dowladda Soomaaliya, ayaa dib ugu yeeratay Safiirka u fadhiga Nairobi, kadib markii Kenya ay kusoo xad-gudubtay Dhulka Somalia oo Derbi wayn ka dhisayso. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa sheegay in Safiirka ay ugu yeereen Wadatashiyo ku aadan waxa laga yeelayo xariirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka dalka Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in Kenya aysan kala tashan Somalia Derbiga ay ka dhisayo Mandheera & Beled-Xaawo. Dowladda Federaalka ayaa walaac ka muujisay Derbiga Kenya ay ka dhisayso Gudaha Magaalada Beled-xaawo, inkastoo Madaxweyne Uhuru Kenyatta u xaqiijiyay RW Cumar C/rashiid in dalkiisa uusan ku xad-gudbaynin Madaxbanaanida Somalia.

Gudiyada Arrimaha Dibadda & Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Kulamo & dooda ka yeelanayay Maalmihii lasoo dhaafay Derbiga la sheegay inay Kenya ka dhisayso Beled-Xaawo. Labada Gudi waxay iska xuleen Gudi farsamo oo kasoo talo bixiya Derbiga laga dhisayo Xadka. Xariirka Kenya & Somalia ayaa Mudooyinkii danbe Mugdi soo kala dhexgalay, kadib markii ay soo ifbaxeen Muranka dhanka Badda & Derbiga laga dhisayo Xuduuda ee Kenya ay doonayso inay uga hortagto Weerarada Kooxda Al shabaab oo baqdin weeyn ay ka qabto.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment