4458 Views

Madaxweynaha Indonesia Oo Warqadaha Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Dowlada Soomaaliya Ay U Magacowday Dalkaasi

Madaxweynaha Indonesia Oo Warqadaha Safiirnimo Ka Guddoomay Safiirka Dowlada Soomaaliya Ay U Magacowday Dalkaasi
____________________________________________________________________________

Maanta oo ay taarikhdu tahay 13 November, 2015 oo Jimce ah ayaa Mudane Cabdixakiim Ugaas Cali Yasin Danjiraja Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia uu Waraaqihii Aqoonsiga ee Danjienimo  ka guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Indonesia Md. Joko Widodo.

Kaddib xafladda waraaqo guddoomidda ayaa wuxuu Madaxweyne Joko ku soo dhaweeyay Danjire Cabdixakiim kulan soo dhaweyn ah oo ay uga wada hadlayeen xiriirka labadaba wadan, markaas oo uu Danjire Cabdixakiim gaarsiiyay salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Danjire Cabdixakiim ayaa sidoo kale gaarsiiyay Madaxweynaha Indonesia in Soomaaliya ay daneyneyso xoojinta xiriirka labada wadan, maalgashiga Indonesia ee wadanka iyo khibradaha labada wadan. sidoo kale Madaxweynaha Indonesia iyo Danjiraha Soomaaliya waxay isla meel dhigeen booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud uu ku tagi doono dalka Indonesia.

Madaxweynaha Indonesia ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Danjire Cabdixakiim masuuliyadda Qaran ee loo igmaday, una rajeeyay inuu Ilaahay u fududeeyo. sidoo kalena ballan qaaday in Indonesia ay xooojin doonto wax la qabsiga Soomaaliya iyo sidii ay uga taageeri lahayd intii awoodeeda ah ka gudbida xaaladaha maanta taagan.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo gaba gaboobay jawi aad u wanaagsan. Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Wasiiradda Arrimaha Dibedda Indonesia Marwo Retno Marsoodi, Wasiirka Ku-Xigeenka iyo Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka Madaxtooyada dalkaasi.Danjire-Cabdixakiim1presiden_jokowi

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment