5793 Views

Malta oo Ka Furmay Shirka Midowga Yurub Oo looga Hadlayo Qaxootiga Afrika

Malta oo Ka Furmay Shirka Midowga Yurub Oo looga Hadlayo Qaxootiga Afrika
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 13, 2015 – Wadanka Malta ayaa waxaa ka bilawdey shirweyne ay ka qeyb galayaan hogaamiyayaasha dalalka Midowga Yurub iyo Afrika oo ka wadahadlaya xaalada cakiran ee qaxootiga badan ee imaanaya Qaarada Yurub.

Shirkan waxaa ka qeyb geli doona wafdi balaaran oo ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale oo kamid ah hogaamiyayaasha Afrika, dalka Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada sida gaarka ah Midowga Yurub uu u siiyo dhaqaalaha isla markaana xiligan doonayo inuu ka dhaadhiciyo dib u celinta qaxootiga kasoo jeeda wadamada Afrika.

Qaar kamid ah qodobada shirkan oo ay baahiyeen warbaahinta Yurub ayaa si weyn loo cambaareeyey.

Dalalka Midowga Yurub ayaa qodobada ay doonayaan inay Dowladaha Afrika ka dhaadhiciyaan ayaa kamid ah;

-In Wadamada Afrika ay qaabilaan Boqolaal kun oo ah qaxootiga Afrikaanka ee hada ku sugan gudaha Yurub oo la doonayo in dalalkooda dib loogu celiyo.

-Midowga Yurub ayaa u balan-qaadi doona dalalka Afrika deeq dhaqaale oo ay ku bedalanayaan dadka qaxootiga ah ee loo soo celin doono.

-Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay inuu khafiifin doono VISA ama dal-ku-galka la siinayo Shaqaalaha Afrika ee khibradaleh ee doonaya inay ka shaqeeyaan dalalkaYurub.

Qodobadan ayaa xiisad ka dhalaty durbaba iyadoo lagu eedeeyey Midowga Yurub inuu doonayo inuu tarxiilo qaxootiga ay u culeyska u arkaan, isla markaana doonayaan inay lacag kusoo gataan shaqaalaha khibrada-leh ee Afrikaanka ah ee dhisi kara dhaqaalaha Yurub, iyadoo la wiiqinayo tirada dadka khibradaleh ee Afrika ku nool taasi oo dhibaato horleh u keeni karta Qaarada Afrika oo horey dhibaato uga heysatay in mutacalimiintooda isaga tahriibeen.

Midowga Yurub ayaa u balan qaaday wadamada Afrika inay siin doonaan lacag gaareysa 3.4Bilyan oo looga caawinayo dalalkaas Afrika dib u dejinta dadka dib loogu soo celin doono, qorshahaasi oo lagu wado in maanta lagu soo bandhigo shirka ka furmaya jasiirada Malta.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment