1464 Views

Maxaa la gudboon Wasiir Xaglo-toosiye?

Maxaa la gudboon Wasiir Xaglo-toosiye?

Qalinkii: Saleebaan Kalshaale | November 13, 2015 | Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxa uu xaqiijiyey guul siyaasaddeed oo uu ku bedelay falsafad siyaasaddeed oo gaamurtay, taasoo suurto-galnimada in loo babac dhigaan ay Hal-xidhaale ku ahayd Bulshada Somaliland, maalmo ka hor qabsoomida Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye oo uu kamid ahaa Murrashaxiintii u tartamay Jagada madaxweyne ku-xigeenka.

Saleebaan Ciise Axmed oo ah Siyaasi u da’ yar hankiisa, heerka uu hadda joogana ku soo gaadhay hayaan dheer oo uu halgan iyo howl badan u soo maray, humaagiisa Siyaasaddeedna laga dheehanayo hadaf iyo himilooyin higsanaya in la helo wadaag maamul iyo midnimo dawlad dadka Somaliland ee hoos hadhsanayaa u simanyihiin hogaaminteeda, waxa la isku raacsanyahay in loolankiisa Murrashaxnimo gaadhsiiyey mustawe Siyaasaddeed oo uu ku kasbaday taageero iyo sumcad aanu haysan ka hor intaanu is-sharixin,taasoo uu ka helay Bulshada rayidka ah iyo kooxaha Siyaasada dhexdoodaba.

Dr. Xaglo-toosiye, wallow aanu ku guulaysan Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye uga qayb-geli doona tartanka Doorashada Madaxtinimada ee soo socota, hase ahaatee wuxuu muujiyey dareen Siyaasaddeed oo dhinac walba marka laga eego guul u ah isaga iyo shacbiga Somaliland oo dhan, rejo iyo rayn-rayn hor leh-na ku beeray Bulshada ku dhaqan Gobolada uu ka soo jeedo.

Wuxuu furay albaab cusub oo ay hore ugu dhici waayeen, kana maagayeen inay garaacaan Siyaasiyiinta ay isku haybta yihiin ee hargeysa joogay tan iyo markii Somaliland gooni-isutaaga ku dhawaaqday, kana qayb-qaatay dhismihii dawladnimada.

Xaglo-toosiye Wuxuu ku yidhi Somaliland; “aynu wax wada yeellano, aynu wadaagno hogaaminta dalka, aynu si siman ugu loollano saaxada..si lamida saami-qaybsiga, khayraadka i yo dhaqaalaha waddanka aynu u sinaanno garoonka Siyaasada”. Waxa la aaminsanyahay inuu xaq ku addimay.

Waxa iyaduna arrin cajiiba ahayd jawaabtii uu ka bixiyey natiijada cod-bixintii Golaha dhexe, taasoo; inkasta oo ay taageerayaashiisa qaar ku dooddeen in khaladdaad iyo wax is-daba marini ay dhacday intii doorashada Murrashaxa Madaxweyne ku-xigeenku socotay, si xeelladaysana loogu shubay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo ay wada galeen hirdan adag oo aan hore saaxada uga dhicin noociisu, haddana ku qancida maxsuulkii doorashadu waxa lagu tilmaami karaa go’aan uu bilad geesi ku mutaystay.

Arrinta labaad ee soo jiidatay indhaha ka qayb-galeyaasha Shirka, sida aadka ahna loogu boggay waxay ahayd habkii taageerada uu uga helay xubnaha Golaha dhexe ee madasha shirka, taasoo tilmaan ka bixisay waafinimada shacbiyadiisa. Waxaana u codeeyey taageerayaal kasoo kala jeeda Lawyo-caddo ilaa Laasqoray oo sida la xaqiiqsanyahay kula socday mabda’ Siyaasaddeed oo aan gacan ku dhallow ahayn.

Waxa ka coddeeyey xubno ay isku-gobollo ka soo jeedaan iyo kuwo aanu filayn inay ka soo horjeesan doonaan oo uu kamid yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo si cad uga raacay Cabdiraxmaan Saylici, halka isna taas cakiskeeda uu cod ka helay qaar kale oo ay hayb-wadaag yihiin Madaxweyne ku-xigeenka, sida Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo xubno kale. Waxaanay doorashada noocaas ahi iyaduna tusaale wanaagsan u tahay koboca koritaanka Siyaasaddeed ee dimuquraadiga ah iyo in laga gudbayo hab-doorasheedka qabyaalada ku dhisan.

Shirkii kaddib

Laga soo bilaabo maalintii koowaad ee Shirka, saacado kaddib markii doorashada Murrashaxiinta laga faraxashay, waxa bulshada dhex sabbaynayay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaya in Wasiir xaglo-toosiye istiqaalad qoray, isla uu iska casilayo xilka uu xukuumadda ka hayo. Wararkani marka loo dhabbo-galo waxay ka soo duul-duulayaan dhinaca kooxda qaadacday Shirka Kulmiye iyo taageerayaashooda. Waxa kale oo Siyaasiyiinta Shirka Kulmiye ka dudday iyo kuwa asxaabta Mucaaridka ahba ka soo yeedhayey dhaliilo loo jeedinayo natiijada Shirkaas , iyadoo aad moodo inay si gaar ah carrabka ugu balaadhinaya arrinta Wasiir xaglo-toosiye oo haka hadleene ay aad u buun-buuninayaan, inkastoo uu xaq u leeyahay in loo dooddo, haddii laga eexday ama laga galay khalad kale oo lagu khiyaamay.

Dhambaalada lagu damqayo dareenka Siyaasigan dib u kabashada u baahan, laguna dil-dilaacinayo Dadweynaha taageersanaa kolkii hore iyo kuwa uu iminka kasbaday quluubtooda, waxa lagu fasiri karaa aragtida Siyaasiga ah, barmaamuj lagu khal-khal gelinayo mowqifka Xaglo-toosiye iyo midnimada Qaranka. Dhawaaqyada Dhaleecaynta tartanka lagaga guulaystay Wasiirka ee ay jeedinayaan kooxda uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa kale oo ka dhadhamaya qorshe ay ugu gacan haadinayaan fagaaraha go’doonka ah ee ay ka joogaan kaalintii ay ku lahaayeen Xisbiga Kulmiye, taasoo ay uga gol-leeyihiin inay ku buuxsadaan yooyootankooda dambe, kuna furtaan waddo cusub oo ay daliilshadaan dhaleecayntooda, waayo waxa ka dhamaaday kaadhkii hore ee ay isticmaalayeen.

Xaglo-toosiye iyo Mustaqbalka

Ma qabo, mana muuqato, isna wuu caddeeyey inaanu iscasilayn ee uu hankiisa siyaasaddeed sii wadayo ilaa uu ka gun gaadhayo. Waxa kale oo uu wacad ku maray midnimada Somaliland iyo mabda’iisa ku aaddan. Haddii ku taagnaado mowqifkan oo aanu talo qaldan qaadan, waxa hubaal ah inay mustaqbalka dhow hor iman doonto fursada Siyaasaddeed ee uu maanta lumiyey.

Ugu dambeyn; Inkasta oo aan la saadaalin isbedellada Siyaasaddeed ee Xisbiyada wakhtigan, haddana si guud marka loo eego ma jirro jaanis dhow oo uga banaan Xisbiyada Mucaaridka dhexdooda, haddii uu sad ku ogyahayna waxaan filayaa inaanu u laba lugoodiyeen ee uu hore go’aan u gaadhi lahaa.

.

Qorre: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

Suxufi ka faalooda Arrimaha Siyaasada

Hargeysa

_______________________________

 

 

Share This Post

Post Comment