3849 Views

Odawaa : “Mowqifka dowladda waa cad yahay, ma ogolin darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda”

Odawaa : “Mowqifka dowladda waa cad yahay, ma ogolin darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda”
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 13, 2015 — C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Federalka, ayaa sheegay in shirkii Golaha Wasiirada ee ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho looga hadlay arrinta ku saabsan darbiga Kenya ay rabto inay ka dhisto Xuduuda,taasoo uu cadeeyay in Xukuumadda aanay raalli ka aheyn.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay dowladda Kenya kala hadleen intii Ra’iisul Wasaaraha uu ku guda jiray socdaal uu ku tagay Kenya, isla markaana ay dowladda Kenya sheegtay in arrintaas jirin

“Dowladda mowifkeeda waa cad yahay, darbigaas ay Kenya rabto inay xuduuda ka dhisto nagalama tashan, mana ogolin, dhowaan Wafdi Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay oo Kenya tagay, anigana aan la socday waa kala hadalnay dowladda Kenya arrintaas, waxay noo sheegeen in aysan jirin”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in markii ay arrintan dib u soo cuboonaatay maalin ka hor uu Ra’iisul Wasaare kuxigeenka u yeeray Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, isla markaana loo gudbiyay cabasho, ayna ka sugayaan Jawaab.

“Hada markii maalin ka hor ay arrintan soo cusboonaatay, wuxuu Ra’iisul Wasaare kuxigeenka u yeeray Safiirka Kenya ee Soomaaliya, waa u gudbinay cabasho rasmi ah oo ku saabsan darbigaas, in aan arrintaas dowladda soomaaliya ogoleyn, raalli ka aheyn jawaab ayaa ka sugeynaa, waxaa rabnaa inaan u sheegno dadka Soomaaliyeed arrinta darbigaas, hadii ay kenya wadato aanan diyaar u aheyn oo aan nagala hadal”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha ay dowladda Kenya ku dooneyso in darbi ay ka dhisto xuduuda, waxaana beryahan ka soo yeeray shacabka ku dhaqan degmada Beledxaawo qeyla dhaan ku aadan in calaamadihii xadka ay Kenya tir-tirtay, isla markaana ay gudaha u soo gashay dhulka Soomaaliya.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment