6087 Views

Waxaan ku soo arkay Kalbarema!

Waxaan ku soo arkay Kalbarema!
____________________________________________________________________________

South Africa | QOL | November 13, 2015 – Wadanka South Africa oo sida magiciisa ka muuqata kuyaala Koonfurta Qaarada Afrika,ayna ku kulmaan labada badood ee Badweeynta Hindiya iyo Badda Atlaantic,

Waxa uu xuduud la leeyahay Wadamada Muzanbiig, Zinbaawi, Nabiibiya, waxaa intaa dheer Wadanka Lesotho,oo ku yaala bartamaha Wadanka South Africa.

sida ku cad Taariikhda South Africa Dadkii u soo horeeyay waxa Ay isugu jiraan qaar inta la og yahay degganaa qeybo kamida Wadanka,iyo kuwo xiliyo dhexe ka soo hijrooday waqooyiga Qaaradda  Afrika .waxaa ku soo xigay oo Wadanka soo dagay Dadyoow ka kala yimid yurub gaar ahaan Netherland iyo Britain,waxaa sidoo kale Dadka Wadanka dagan ka mid ah, Dadka loo yaqaan Coloured ama Midabka oo aan lagu tirin Caddaanka ama madoowga midna.

Dadka South africaanka ah waa ilaa 50 milyan,74% waa Dadka Madoowga ah badankooda waxey daganyihiin Tuulooyinka baadiyaha ah, dadka Cadaanka ah waa 12% waxa ay dagaan Magaalooyinka, ayagaana gacanta ku haaya dhaqaalaha Wadanka, Dadka loo yaqaano Midabka ama ( kalarka) waa 12% ayagane waxa ay dagaan Magaalooyinka iyo Tuulooyinka intaba, inttii ay yimaadeen Caddaankii yurub ka yimid waxaa Wadanka la keenay Dad adoonsi ahaan loo keenay,oo qaarkood laga keenay Wadamada Aasiya iyo Afrika,iyo Dad u badnaa shaqaale oo iyaguna laga keenay Wadamo kala duwan.

Caddaankii rer yurub dagaallo qaabab kala duwan leh oo ay qaar la galeen qabaa’il ka mid ah Dadkii Madoowga ahaa ee Wadanka uga soo horeeyay iyo Dagaal iyaga rer yurub ahaan dhexdooda kadib wuxuu Wadanka galay Gumeeysigii midab kala sooca sanadkii 1948, kaasoo dhamaaday sanadkii 1994,waxaa markii ugu horeeysay la qabtay Doorasho uu ku guuleeystay Madaxweeynihii caanka ahaa oo ka soo jeeday Dadka Madoowga ah,Nelson Mandela oo 27 sano Xabsi ku jiray lana soo daayay 2_dii febraayo sanadkii 1990 kii. Xisbiga ANC ayaa xiligaa ilaa hadda 2015,hayo Dowladnimada South Africa.

Wadanka South Afica,waa Wadan ka Hurmaray Dhan kasta, haday ahaan laheed, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Milatariga, Dhismooyinka, Caafimaadka, waxaa ku yaala Kumanaan Xaruma Caafimaad ah,waxaa ka mid ah,Isbitaalo waaweyn oo Casri ah,Sida Isbitaalka Weyn ee Kalbarema.

14-10 -2015, maalin Talaado ah,ayaa waxaa iga Xanuunsatay Gabadheeyda aan Jeclahay,ee

Rayaan Macalin Mukhtaar,waxaan Geeyay Isbitaalka Weyn ee Kalbarema Hosbitaal,5 Maal mood ayaan kula jiray,waxaa ila qumanaatay in aan lawadaago, Dadweeynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba,wax yaabihii aan ku soo arkay.

Isbitaalka sida ku cad magaciisa, waxaa loogu magacdaray wasiirkii caafimaadka south Africa, Dr Karl Bremer ee xilka hayay sanadihii 1951 – 1953 dii,waxa uuna ahaa wasiirkii 9 gaalaad ee qabta Xilka wasiirka Caafimaadka South Africa, Isbitaalka waxa uu Hoos yimaadaa Isbitaalka weeyn ee TYGERBERG HOSBITAL.

Waxyaabihii aan ku soo arkay, Waxaa ugu muhiim sanaa 1: Cadaan Cilmi badan, Madow Miskiin ah iyo Kalar karti Daran.

*Cadaan Cilmi badan,umadaha ku nool Aduunka aynu manta joogno,waxa ay aaminsanyihiin badan kood, in Cadaanka Reer Galbeedka ah, Cid kasta ka horeeyo, waa marka ay timaado dhanka Cilmiga Aduunyada, Nabi Muxamed SCW, waxa uu yiri “Qiyaamaha waxa ay dhaceysaa Ayada oo Reer Galbeedka Cadaanka ah ay badanyihiin”taa waxa ay natusinee in Dadka

Cadaanka Reer Galbeedka aynan sahlaneyn, waxa ay u jiraayaan ilaa Qiyaamaha, waa Cilmigooda iyo kala danbeeyntooda, iyo Caawinta ay Caawinaayaan Masaakiinta,

Cadaanka South Africa ee  Qoriga afkiisa ku gumeeystay, 21 sano ka hor, maantane Qalinka Afkiisa ayeey ku gumeeystaan Dadka ku nool South Africa, maxaa yeelay Isbitaalka Kalbareema, kuma arkin hal dhaqtar oo Madow ama Cid kale ah, Dhaqaatiirta Rag ha ahaadeen ama Dumar ha ahaadeen, waa uun Cadaan, waxaan is weeydiiyay marka aaway Dadkii kale,ileen Cadaanka South Africa, waxa uu ku jiraa Qowmiyadaha ugu tirade yar, waxaan kaloo Isbitaalka ka waayay Ruux Cadaan ah oo Xanuunsan, marka  waxaan is Dhahay Cadaanka South Africa Maxanuunsadaan miyaa? !

*Madow Miskiin ah, dadka Dicaayadeeya Dadyowga Madowga ah, ee badankood ku nool yihiin Africa, waxa ay dhahaan “Madowga sida ay u madowyihiin, ayuu Qalbigoodane u Madow yahay”Hadalkaas Sax maahan,balse waxaan leeyahay,Dadka Madow,waxaad moodaa in aynan Danlaheeyn,ee lagu Daneeysto.

Isbitaalka Kalbarema waxaan ku arkay Tiro aad u yar oo Kalkaalisooyin Madow  ah,kuwaa oo runtii aan naftooda ku kal sooneeyn, Jecelne inta hareeraha iska fiiriyaan in ay iska fariistaan, marka ay arkaan Ruux Cadaan ah oo soo socdane ka booda fadhiga iskana dhiga Ruux shaqo ku jira oo kale, gaar ahaan marka ay arkaan Dhaqaatiirta Cadaanka waa ayba gariiraan, oo Juuqada ayeeyba gabaan.

.

La soco Qaybta 2aad ee Maqaalka.  

W\Q : Macalin Mukhtaar SH Cabdiraxmaan “Macalin Dugsi”

E-mail: Kumaatahay@hotmail.com

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment