3684 Views

Baarlamaanka oo go’aamiyay in sharci laga soo saaro darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka

Baarlamaanka oo go’aamiyay in sharci laga soo saaro darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 14, 2015 — Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”  ayadoo goobjoogna ay ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha, waxaana furitaankii kulanka Xildhibaannada loo qeybiyey qaraar ay Guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee Baarlamaanka kasoo diyaariyeen arrinta derbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, ayadoo qaraarkaasina uu Xildhibaannada u akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Qaraarkaasi markii la akhriyey kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka ay bilaabeen iney tallooyinkooda soo jeediyaan, ayadoo soo jeedinta Xildhibaannaduna ay u badneyd in qaraarka lagu bedello sharci, maadaama uusan  horey u meel marin qaraar uu Baarlamaanka kasoo saaray arrinta derbiga Kenya ay ka dhiseyso Xuduudda dhammaadka bishii June ee sanadkan 2015.

Tallooyinka Xildhibaannada kadib Guddoonka Baarlamaanka waxa uu Xildhibaannada weydiistay iney u codeeyaan soo jeedinta Xildhibaannada ee aheyd in qaraarka Baarlamaanku kasoo saari lahaa dhismaha derbiga la sheegay in Kenya ay ka dhiseyso Xuduudda loo rago sharci, waxaana taasi ay Xildhibaannadu ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah, waxaana afhayeenka Baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada codeynta uu xusay in sharcigan ay soo diyaarin doonaan guddiyada Arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha ee Baarlamaanka mudo 48 gudahood ah.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya Khaalid Cumar Cali oo Baarlamaanka ka hor hadlay ayaa tilmaamay in haba yaraatee aanay jirin heshiis ay Xukuumaddu hada qorsheyneyso iney Kenya kala gasho arrimaha Badda ama Xuduudda dalka.

Inkastoo Baarlamaanku go’aamiyey sameynta sharci si deg deg ah looga soo saaro derbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda, hadana Dastuurka dalka u degsan qodobkiisa 7aad oo ka hadlay dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya farqadiisa afaraad ay amreyso “Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960kii ee Soomaaliya”.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment